Maalinta Macaanka oo Muqdisho loogaga xusay tartan orod ah

0
Wednesday November 14, 2018 - 20:07:52 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Macaanka oo Muqdisho loogaga xusay tartan orod ah

    Tartan orod ah oo lagu xusayo Maalinta Cudurka Macaanka Adduunka ayna ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max'ed Cabdullahi Max'ed &q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan orod ah oo lagu xusayo Maalinta Cudurka Macaanka Adduunka ayna ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max'ed Cabdullahi Max'ed "Tuulax" iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Max’ed Cadaw ayaa sheegay in Xanuunka Macaanka uu yahay mid saaxiib laga dhigan karo Balse loo baahan yahay in Jimicsi joogta la sameeyo.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay waxqabadka Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose Ee Xamar, iyadoo sheegtay inay muhiim tahay in Bulshada qeybaheeda kala duwan loo qabto tartamo sidan oo kale ah.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Max’ed Cabdullahi Max’ed "Tuulax” ayaa sheegay in Tartankan uu dhiira galin u yahay dadka qaba Cudurka Macaanka.


"Waxaan saaka aroortii muqdisho ku qabanay tartan orad ah oo lagu xusayay maalinta Sonkorta ama Macaanka aduunka si aan u dhiirigelino dadka cudurkaas qaba una tusno in Isbortisku uu caafimaad yahay magaalada muqdishana tahay magaalo lagu qaban karo tartamo kala duwan oo caalami ah”.ayuu yiri Mohamed Abdullaahi Tuulah.

Cudurka Macaanka ama sokorowga ayaa si aad ugu baahay dalka Soomaaliya iyadoo sanadihii la soo dhaafay uu cudurkan aad u soo ridanayay dadka gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka da’ada ahba.

Tartanka orodka maalinta macaanka ee Muqdisho
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip