Facebook oo sababay in la xiro burcad badeed Soomaali ah
Barta Facebook ayaa sabab u noqotay in lagu ogaado mid kamid ah burcad badeeda Soomaaliya afduubka ka geysan jirey isagoo ku nool dalka Maraykanka.
Maxamed Tahliil oo lagu eedeynayo inuu ka mid ah burcad b adeeda Soomaaliya ayaa lagu xirey magaalada New York kadib markii uu barta Facebook uu xiriir kula sameeyey saxafi Maraykan ah Michael Scott Moore oo muddo labo sano kabadan afduub loogu haystay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Tahlil ayaa la xiriiray Moore isagoo ka codsaday in uu la saaxibo,waxana uu Moore baaray sawirada u saaran qeybta uu ku leeyahay Tahliil Facebook waxana uu aqoonsaday inuu ka mid ahaa burcad badeedii ka afduubatay magaalada Gaalkacyo.
Moore ayaa ahaa weriye doonayay in uu warar ka sameeyo burcad badeednimada waxaana uu muddo labo sano iyo bar ah u afduubnaa burcad badeed Soomaali ah waxaana ugu dambeyntii lagu sii daayay markii ay hooyadii bixisay lacag madax furasho ah oo gaareysa 1.6malyan oo dollar.
Hase yeeshee inta badan burcad badeedii afduubatay weriye Moore ayaa ku dhintey dagaal ka dhex qarxay kadib marki ay isku khilaafeen sida ay u qeybsanayaan lacagta lagu siiyay madax furashada.
Maxamed Tahliil ayaa ku jira xabsi isagoo lagu eedeynayo dambiyo ay ka mid yihiin afduub,isku day dil iyo qaar kale waxaana laga yaabaa in lagu xukumo xabsi daa’in.
Sanadkii 2013kii ayaa mid ka mid ah hogaamiyaasha burcad badeeda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan "Afweyne”waxaa ay dowlada Belgiumka ay ku casuuntay inuu ka qeybqaato filim laga sameynayay burcad badeeda Soomaalida waxana uu tegey magaalada Brussels halkaa oo lagu xirey waxaana ugu dambeyntii sanadkii 2016 lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.
Source: CanalTech
Facebook oo sababay in la xiro burcad badeed Soomaali ah
Barta Facebook ayaa sabab u noqotay in lagu ogaado mid kamid ah burcad badeeda Soomaaliya afduubka ka geysan jirey isagoo ku nool dalka Maraykanka. Maxamed Tahliil oo lagu eedeynayo inuu ka mid ah burcad b adeeda Soomaaliya ayaa lagu xirey magaalada