AKHRISO: Maxuu ka yiri R/W Kheyre ciyaarta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ?

0
Wednesday November 14, 2018 - 19:35:36 in Wararka by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Maxuu ka yiri R/W Kheyre ciyaarta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ?

    Ra'iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona Dhiggooda Ethiopia. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra'iisulwasaare Kheyre ku yiri &#

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona Dhiggooda Ethiopia. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra'iisulwasaare Kheyre ku yiri 'Waxaan guul u rajeynayaa xulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia" Ra'iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas'uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka isla markaasna ay u rajeynayaan in ay guul kasoo hoyiyaan kullan ciyaareedkaasi.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa iyana dhankeeda aad u ammaantay diyaar garowga ciyaartoyda dalkeena waxayna aad ugu rajaysay inay guul lagu farxo ay ka soo hoyayaan ciyaarta galabta iyo ciyaaraha kale.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa galabta yeelanaya kulan ciyaareed ka dhacaya magaalada Adis ababa kaas oo qeyb ka ah is-reeb reebka ciyaaraha Olypicada adduunka oo ka dhici doona Tokyo, japan sanadka 2020.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip