Tababarihii hore ee kubbada kolayga Xulka Qaranka iyo Naadiga Jeenyo oo geeriyooday

0
Wednesday November 14, 2018 - 19:32:34 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarihii hore ee kubbada kolayga Xulka Qaranka iyo Naadiga Jeenyo oo geeriyooday

    Tababarihii hore ee kubbada kolayga xulka qaranka Soomaaliyeed isla markaana ahaa tababaraha naadiga Jeenyo Cabdi Maxamed Cige (Cabdi Dheere) ayaa ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada. Allaha u naxariistee Cabdi Dheere ayaa waxa uu san

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarihii hore ee kubbada kolayga xulka qaranka Soomaaliyeed isla markaana ahaa tababaraha naadiga Jeenyo Cabdi Maxamed Cige (Cabdi Dheere) ayaa ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada. Allaha u naxariistee Cabdi Dheere ayaa waxa uu sanadihii la soo dhaafay ku noolaa dalka Canada waxana uu xanuun awgii ugu geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Toronto. Faadumo Aweys Maxamed oo ka mid ahayd gabdhihii uu tababaraha u soo noqday ayaa ku tilmaantay Allaha u naxariistee Tababare Cabdi Dheere inuu ahaa macalin naxariis badan islamarkaana dhiirigeliya ciyaartoydiisa. "Illaa iyo 1984kii tababare ayuu ii ahaa, asaga ayaa iga soo waday naadigii aan u cayaari jiray ee Somalitex-Balcad, ilaa uu dalka ka baxayey ayuu tababare ii ahaa. Geeridiisa waa ka naxay, mana aha macallin la heli karo. Wuxuu ahaa macallin waalid ah oo niyadda noo dhisa, wixii xumaan ahna naga qariya" ayey tiri Faadumo Aweys. "Marka nalaga badiyo wuu naga farxin jiray, markaan badinnana wuxuu na dhihi jiray 'ha is dhiganninee hore u socda'. Wuxuu ahaa macallin aan marna xumaan ku tusayn" ayey sii raacisay.

Allaha u naxariistee Cabdi dheere ayaa ku dhashay magaalada jamaame waxana uu waxbarashadiisii Sare ku qaatay magaalada Muqdisho.

Cabdi Dheere waxa uu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 1976kii waxana uu tababare u noqday kooxaha gabdhaha,kadibna waxa uu tababare u noqday kooxda wiilasha Jeenyo kadibna waxaa loo magacaabay tababaraha xulka qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip