Eritrea oo maanta cunaqabateynta laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad dheeraad ah loogu sii darayo

0
Wednesday November 14, 2018 - 10:00:44 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eritrea oo maanta cunaqabateynta laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad dheeraad ah loogu sii darayo

    Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyaan qaraar cunaqabateynta looga qaadayo Eritrea, iyadoo warbixin laga dhageysan doono Guddiga la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyaan qaraar cunaqabateynta looga qaadayo Eritrea, iyadoo warbixin laga dhageysan doono Guddiga la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Xubnaha 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa loo soo jeedin doonaa qaraarka cunaqabateynta looga qaadayo Eritrea, waxaana kaliya u baahan tahay 9 cod.

Qaraarka cunaqabateynta hubka looga qaadayo Eritrea ayaa waxaa soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, isla markaana ah 5-ta dal ee codka qayaxan ee VETO ku leh Golaha.

Eritrea ayaa rajo weyn ka qabto in laga qaado cunaqabateynta saaran ee dhinaca hubka, socdaalka, hantida iyo kuwa kale, waxaana Eritrea ka bixi doontaa go’doonka ay ku jirtay sagaalkii sano ee la soo dhaafay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 2009 cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub siiso ayna taageerto Al-Shabaab, isla markaana diiday xal u helidii muranka xuduuda ee u dhaxeeyay iyaga iyo Jabuuti.

Is bedelka ka dhacay Gobolka iyo Itoobiya ayaa albaabada u furay inuu caadi ku soo laabto xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea, kaddib 20 sano oo colaad u dhaxeysay.

Dhinaca kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeya ayaa sanad kale ku kordhin doona cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxaa la filayaa in la gaarsiiyo 15 November sanadka 2019.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip