13 sano jir feeryahan ah oo u dhintay feer lagu dhuftay

0
Wednesday November 14, 2018 - 09:38:42 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    13 sano jir feeryahan ah oo u dhintay feer lagu dhuftay

    Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gartay cayaar dhanka feerka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaartay uu dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi. Dhacdadaan ayaa horseedday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gartay cayaar dhanka feerka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaartay uu dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi. Dhacdadaan ayaa horseedday cadaadis cusub oo ku aaddan in cayaarta feerka ee caruurta laga joojiyo dalka Thailand. Waxa uu ka qeeyb qaatay 170 dagaal oo dhanka feerka ah tan iyo dideed jirkiisii, taas oo qooyskiia ka caawisay in uu dhaqaalohooda kordho. Baarlamaanka Thailand ayaa dib u eegis ku sameeynaya sharci cruurta da'doodu ka yartahay 12 sano ka mamnuucaya in ay ka qeeyb qaataan cayaaraha feerka. Cayaarta feerka ee Thailand oo loo yaqaano Muay ayaa aad caan uga ah dalkaasi. waxa ayna kumaanaan dhalinyarada feerka cayaara ah iyo qoosaskooduba u arkaan in feerka uu yahay fursad lacag lagu sameeyo.

.Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK 

Balse waxaa jira shuruuc yar oo lagu hago cayaaraha, qaar ka mid ah dadkana waxa ay ka soo horjeedaan hindise sharciyeedka caruurta ka mamnuucaya cayaaraha feerka, waxa ayna ku doodayaan in cayaaraha feerka ee da'yarta ay mid yihiin dhaqanka qadiimiga ah ee waddanka.

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Shacabka reer Thai ayaa ka naxay geerida Anucha, dhanka kalana qaar ka mid ah feeryahanada caanka ah ayaa tacsiyeeyay dhacdadaan.

Muuqaal la duubay intii ay cayaarta socotay ayaa muujinaya labada wiil ee ka qeeyb qaadanayay cayaarta feerka oo aan madaxa ku xirnayn qalab difaaca jugta.

Anucha ayaa la sheegay in madaxa feer looga dhuftay ka hor inta uusan dhulka ku dhicin.

Thailand waxaa ka diiwaan gashan 10,000 oo feeryahan, kuwaasi oo ay da'doodu ka yartahay 15 sano jir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip