Dambiyada naceybka ku salaysan oo sii kordhaya dalka Mareykanka

0
Wednesday November 14, 2018 - 09:00:18 in Wararka by
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dambiyada naceybka ku salaysan oo sii kordhaya dalka Mareykanka

    Dambiyada naceybka ku salaysan ayaa sare u kacay dalka Mareykanka sida ku cad warbixin cusub oo la soo saary. Dambiyada naceybka ayaa sare u kacay boqolkiiba 17% sanddii 2017,dalkaasi. Waa sanadkii sadaxaad oo ay sare u sii socdaan dambiyada na

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dambiyada naceybka ku salaysan ayaa sare u kacay dalka Mareykanka sida ku cad warbixin cusub oo la soo saary. Dambiyada naceybka ayaa sare u kacay boqolkiiba 17% sanddii 2017,dalkaasi. Waa sanadkii sadaxaad oo ay sare u sii socdaan dambiyada naceybka ku salaysan ,gaar ahaan weerarada naceybka la xiriira sida ay sheegtay hay'adda dambi barista Mareykanka ee FBI. Laamaha ammaanka ayaa waxay sheegeen in dambiyada la xiriira naceybka ay 2017 gaareen 7,175 oo kiis,taasi oo ka badan marka loo barbar dhigo 2016 oo ay tiradu ahayd 6,121. Warbixinta la soo saaray ayaa lagu sheegay in dadka ugu badan oo ay arrintan saamaysay ay yihiin dadka madowga mareykanka ah iyo kuwa Yahuudda. Warbixinta ayaa lagu xusay in weerarada naceybka ku salaysan 2017, lala bartilmaameedsaday 2,013 ah dadka madowga Mareykanka ah,halka 938 ay ka dhan ahaayeen dadka Yahuudda Mareykanka.

Bishii aanu soo dhaafnay 11 qof ayaa lagu dilay goob macbad ah oo ay dadka Yahuuda ah leeyihiinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Image caption Bishii aanu soo dhaafnay 11 qof ayaa lagu dilay goob macbad ah oo ay dadka Yahuuda ah leeyihiin

  1. Waa kuma Donald Trump?
  2. Madaxweyne Musavani : Waan jeclahay Trump
  3. Trump oo boggaadiyay siyaasi feeray saxafi

Sii haya xilka xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka Matthew Whitaker ayaa ku tilmaamay warbixintan "arrin wax ka qabasho u baahan " waxa uuna cambaareeyay dambiyada naceybka ku salaysan.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in dambiyadan ay yihiin "kutumasho lagu tuntay qiyamka Mareykanka".

Maxaa lagu ogaaday baaritaanada?

Sida ku cad warbixinta 59.6% dhacdooyiinkan ayaa waxaa sabab u ahaa naceyb ku salaysan midib ama jinsiyad.

Dambiyada iyo weerarada ku salaysan diinta ayaa ah 20.6% halka dambiyada la xiriira dhanka jinsiga ay ahaayeen 15.8%.

Warbixintan iyo baaritaanadan ku salaysnaa dambiyadii naceybka ee dhacay 2017 ayaa waxaa lagu xusay in 5,000 oo ka mid ah dambiyadan lala bartilmaameedsaday dadka ay yihiin cagajuglayn amaba gacan qaad.

3,000 ayaa ahaa kuwa ku salaysan burburin hanti iyo boob.

Dambiyada ka dhanka ah dadka Yahuudda Mareykanka ayaa sare u kacay 2016 37%.

Warbixintan cusub ayaa ku soo beegmaysa bil uun ka dib markii 11 qof oo Yahuud ah uu toogasho ku dilay nin hubaysan.

BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip