Somaliland oo shaqaaleysiineyso 954 macalin
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaanba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda, kuwaas shaqaale rasmi ah noqday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Saaka waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof, saaka kulankii madaxweynaha kaddib wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan.”
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faro-toon) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay waqti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta, natiijadiina noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay, waxana uu yidhi, "Saaka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oo wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada, gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay maanta noqoto shaqaale rasmi ah.”
Somaliland oo shaqaaleysiineyso 954 macalin
hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay'adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi I