Ronald Koeman oo Barcelona geliyay Rajo ku aaddan Matthijs de Ligt inay helaan!
Maadaama Gerard Pique uu yahay mid sii gaboobaya isla markaasna sanado badan aanan sii ciyaari karin sidoo kalena Thomas Vermaelen uu yahay laacib dhaawacyo ay hareeyeen oo dhanka kalena mustaqbalkiisa Barcelona uu yahay mid mugdi ah, waxa ay kooxda reer Spain dooneysaa saxiixa difaac dhexe oo tayo sare leh.
De Ligt ayaa ka mid ah xiddigaha ugu sarreeya ee ka ciyaara difaaca kuwaasoo da’diisa oo kale jira, waxaana Ajax uu kullankiisii ugu horreeyay u saftay isagoo jira 16 sano.
Tababaraha qaranka Netherlands ee Ronald Koeman ayaa ka hadlay mustaqbalka laacibkan, waxaana uu xiddiggiisa u sheegay inuu horey u socod sameeyo isla markaasna uu u dhaqaaqo kooxaha waaweyn ee doonaya.
Koeman waxa uu tilmaamay in horyaalka Eredivise uusan lahayn loollan sare, sidaas darteed de Ligth uu u baahanyahay inuu loollan adag iyo tartamo heer sare ah uu kasoo muuqdo.
Difaacii hore ee Barcelona ayaa ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara waxa uu kula taliyay inuu ka faa’ideysto dalabaadka u imaanaya, waxaana taasi ay dhiirro gelineysaa Barcelona, Manchester City, Manchester United iyo Juventus.
Ronald Koeman oo Barcelona geliyay Rajo ku aaddan Matthijs de Ligt inay helaan!
Waxaa dhowaanahan kooxo badan oo ay ugu horreyso Barcelona bartilmaameed u ahaa laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt. Blaugrana ayaa difaacan si xoog leh loola xiriiriyay, walow Juventus iyo kooxo kale ay daneynayaan saxiix