Guddoomiyaha degmada Balcad oo dhagax dhigey garoon cusub oo laga dhisayo degmada Balcad

0
Tuesday November 13, 2018 - 20:55:27 in Wararka by
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha degmada Balcad oo dhagax dhigey garoon cusub oo laga dhisayo degmada Balcad

    Munaasabad lagu dhagaxdhigayay dhismaha garoonka kubada cagta degmada Balcad ayaa ka dhacday magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu dhagaxdhigayay dhismaha garoonka kubada cagta degmada Balcad ayaa ka dhacday magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim cali Nuur iyo qaar kamid ahxildhibaanada dowlad goboleedka hirshabelle oo ka soo jeeda degmada Balcad oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud xuseen gudbaaye,Abuukar xasan abuukar iyo qaar kale iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada IOM ayaa ka qeybgalay dhagax dhigga garoonka degmada balcad oo si casri ah loo dhisayo.

Intii ay socotay munaasabada dhagax dhigga ayaa waxaa ku soo bandhigay ciyaar saaxibtinimo labo naadi oo ka tirsan kooxaha ka dhisan degmada Balcad iyadoo ay u soo daawasho tageen dadweyne faro badan.

Dhismaha garoonkan oo ay iska kaashanayaan maamulka degmada Balcad iyo hayadda IOM iyo UN Habitat ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay dhalinyarada degmada Balcad.

Madaxa Mashaariicda hay’ada IOM Maxamed Cumar ayaa ka hadlay dhismaha garoonkan waxana uu sheegay in mashaariic kale oo ay ka mid tahay dhamaystirka dhismaha isbitaalka degmada Balcad ay hay’adu dhowaan bilaabi doonto.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa u mahadceliyay hay’ada IOM kaalinta ay ka qaadanayso dhismaha garoonka degmada Balcad. Qaar kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadlay munaasabada dhagax dhigga.

Ugu dameyntii waxaa xalay lagu qabtay hoolka shirarka degmada balcad munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta iyo mashaaiic kale iyadoo lagu soo bandhigay bandhig faneed.

Munaasabadan ayaa wax aka hadlay mas;uuliyiin kala duwan iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay mashaariicda ay hay’ada IOM ka hirgelinayso gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Balcad.

Dhismaha garoonka kubbada cagta degmada Balcad ayaa noqonaya garoonka ugu weyn ee ka dhisan gobolka Sh/dhexe iyo guud ahaan dowlad goboleedka Hirshabelle

 

 

Dhagax dhigga garoonka degmada balcad
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip