Ciidamo Milatari oo dhex degey beelo ku dagaalamay gobolka Galgaduud

0
Tuesday November 13, 2018 - 20:24:17 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Milatari oo dhex degey beelo ku dagaalamay gobolka Galgaduud

    Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Male

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo Beeleed.

Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidamadu Halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan Dadkii Deegaankaasi ku dagaalamay, ayna u xaliyaan dagaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray Gaashaanle Dhexe C/qaadir in Taliska Ciidanka Xoogga Dalku uu amray in Dadkaasi la kala dhexgalo, si Dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin.

Deegaanada Ciidamada Xoogga loo diray ayaa waxaa ku sugan Dad Reer Guuraa ah, kuwaasi oo Halkaasi ku dagaalamay, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa Aanooyin hore iyo Dhul daaqsimeed lagu murmay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip