Shadoor Xaaji "Waxaa jira kursi Wasiir oo banaan lix bilood oo Ra'iisul Wasaaraha u diidan yahay…."

0
Tuesday November 13, 2018 - 20:19:38 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shadoor Xaaji "Waxaa jira kursi Wasiir oo banaan lix bilood oo Ra'iisul Wasaaraha u diidan yahay…."

    Siyaasiga da'da yar Shadoor Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada iyo La Taliye Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay xil Wasiir oo banaan m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga da'da yar Shadoor Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada iyo La Taliye Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay xil Wasiir oo banaan muddo lix bilood ka xaqiray beel ka mid ah beelaha Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhisan tahay awood qeybsiga iyo matalaada dhammaan beelaha Soomaaliyeed, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaraha uu diiday kursiga Wasiir, kaddib markii uu taageero ka waayay Xildhibaanada Beesha ku matasha Baarlamaanka oo ah Xildhibaan Drs. Mina Xasan Shibis.

"Beeshu marar badan ayey Ra’iiisul Wasaaare Xasan Cali Kheyre ugu tageen arrintan iyo mataalaad kale oo ka maqan, iyagoo ka codsanaya inuu qof kuu doono oo beesha ka mid ah u magacaabo xilka Wasiirka ilaa haddana ma dhicin , waxaase sii dheer in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu horay sabab la’aan xilka uga qaaday Maareeyahii Sadaasha Hawada”ayuu yiri Shadoor Xaaji Maxamuud qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

"Ma garan karno ujeeddada sida gaar ah uu u dulminayo Ra’iisul Wasaaruhu beesha oo ah canshuur bixiyayaasha ugu badan dadka ku nool Muqdisho. Waxaan xukuumadda u sheegayaa in beeshu aqbali doonin dulmiga ku gaarka ah, Madaxweyne Maxamed Farmaajoo isaguna waxaan leeyahay sida aad ugu dagaallantay inaan laga tagin mataalada Golaha Wasiirada ee beesha aad ka soo jeedo ayaad haddana raali kaga tahay Ra’iisul Waaaraha inuu xaq-duudsi ku sameeyo beelaha qaar”

Beesha Galmaax oo ka mid ah beelaha dega Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay in aan la siin xil Wasiiru dowle oo ahaa mataaladii ay ku lahaayeen Xukuumadda, waxaana dhowr jeer hore jiray kulamo Beesha isugu timid Muqdisho oo ay kaga cabanayeen in xaqoodii la duudsiiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip