Wararkii ugu dambeeyay Shabaab ku dagaalamay Jilib

0
Tuesday November 13, 2018 - 10:20:33 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Shabaab ku dagaalamay Jilib

    Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal Magaalada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe, ku dhexmaray xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto degmada Jilib. Sidda ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal Magaalada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe, ku dhexmaray xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto degmada Jilib. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ayaa yimid kkadib markii Shabaab ay ka shakiyeen rag Soomaali ah iyo rag Ajaanib ah oo ku sugan Magaalada Jilib, kuwaasi oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ku weerartay masaajid ku yaalla magaalada Jilib mid ka mid ah ajaanibta ee la joogta Al-Shabaab oo la sheegay inuu diiday inuu is dhiibo.

Ninka diiday in uu is dhiibo ayaa la sheegay in uu bambo uu lasoo baxay kadibna ay toogteen Al-Shabaab.

Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri, waxaana la sheegay inuu u dhashay dalka Masar.

Ciidamada Shabaab ayaa xiray rag badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay kaga shakiyeen inay xiriir dhow la leeyihiin Daacishta Soomaaliya, waxaana Magaalada Jilib ka taagan xiisad Shabaab dhexdooda ah.

Xubnaha la xiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo, Waxaa kaloo ka mid ah mid ka mid ah weriyayaasha u shaqeeya ururka Al-Shabaab.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go’een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip