Timo abuuridda Hargaysa ee ragga – sida loo sameeyo.

0
Tuesday November 13, 2018 - 10:06:26 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Timo abuuridda Hargaysa ee ragga – sida loo sameeyo.

    Bidaartu waxay bartilmaameedsataa qaar ka mid ah ragga, waxaana loo sababeeyaa arrimo kala duwan oo isugu jira dhaxal waalid, fikirka badan iyo cimilada, laakiin sabab kasta oo ay ku timaadaba, ma aha mid la jecel yahay. Ragga sida weyn ula tacaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bidaartu waxay bartilmaameedsataa qaar ka mid ah ragga, waxaana loo sababeeyaa arrimo kala duwan oo isugu jira dhaxal waalid, fikirka badan iyo cimilada, laakiin sabab kasta oo ay ku timaadaba, ma aha mid la jecel yahay. Ragga sida weyn ula tacaala bidaarta ama timahu ay ka dhammaadaan qeybaha hore iyo kuwa dhexe ee madaxa waxaa ka mid ah Soomaalida oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuula iney wax ka qabtaan arrintaas, oo ay dhibsadaan, inkastoo ragga qaarkiisna aysan dhibaato u arkin. Rag badan waxayba aaminsan yihiin in haddii ay bidaar gasho ay u muuqanayaan kuwo da'dooda ka weyn, ama ay haweenku ka diidayaan haasaawe iyo guur. Waxaa jira dad lacago kumannaan doolar ah ku bixiyay in timaha dib loo beero, waxayna u safraan dalal fog fog oo ay dhakhaatiirtoodu gaareen tignoolojiyadda timaha lagu abuuro. Laakiin hadda war farxad leh ayaa u soo yeeray ragga hammiga ku haya iney bidaartooda xal u helaan, horayna ugu fakarayay iney aadaan waddamada uu ka mid yahay Turkiga, oo lagu ammaano inuu sameeyo adeegyo timo beeris ah oo aad u wanaagsan.

Shidane Xasan. Isagoo bidaar leh iyo isagoo timo loo abuuray

Image caption Shidane Xasan. Isagoo bidaar leh iyo isagoo timo loo abuuray



Dhakhaatiirta oo ku mashquulsan timo abuurid
Image captionDhakhaatiirta oo ku mashquulsan timo abuurid

Magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysay laga hirgaliyay xarun adeegaas lagu fuliyo, oo dadka timaha loogu beero.

Ragga Soomaaliyeed ayaa hadda billaabay iney deegaanno kala duwan uga yimaadaan, si ay u booqdaan xaruntaas ka haqab tireysa adeegga ay in muddo ahba ku taamayeen.

Shidane Xasan Shidane wuxuu dhowr maalmood ka hor ka tagay magaalada Muqdisho isagoo bidaar leh, laakiin iminka wuxuu dib u laabanayaa isagoo ay timihiisu joogaan foodda hore.

Wuxuu ka mid yahay 4 qof oo markii ugu horreysay timo beeris loogu sameeyay magaalada Hargeysa.

Dawooyin loo qorayo dadka timaha loo abuuro
Image captionDawooyin loo qorayo dadka timaha loo abuuro

BBC-da ayuu uga warramay qaliinka timaha loogu beeray ee uu shalay galay.

"Meeshu way bannaaneyd markii hore, haddana waa idinkaas arkaya iney timo ku yaallaan. Tintu mid kale ma aha waa tinteydii oo la soo qaaday oo horay la keenay. Alle ayaa mahad iska leh, Shidane oo oday ah ayaa yimid, haatanna waxaad u jeeddaan Shidane oo dhallinyaro ah" ayuu yiri isagoo dhoolla caddeynaya farxadna ay ka muuqato.

Hadalkiisa ayuu sii watay, isagoo aad u qoslaya ayuuna yiri "Hadda waxaan reerkeygi ku noqonayaa anigoo nin kale ah".

Ismaaciil Axmed Heybe oo ah agaasimaha isbitaalka howshan fuliyay, ayaa BBC-da u sheegay in 15 ruux oo kale ay isku diiwaan galiyeen in timaha loo beero.

"Waxani waa dabiici, dhibna ma laha. Maanta oo sannadka 2018-ka dabayaaqadiisa la joogo waxaan hargeysa ka hirgalinay adeegga timaha lagu beero, waxaana soo afjarnay fikraddii ahayd in qofku mar haddii ay bidaar gasho aysan timihiisi dib ugu soo laabaneyn".

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah adeegyada isqurxinta dadka oo muddooyinkan ku soo badanayay magaalooyinka Soomaalida.

Hase yeeshee waxaa ku cusub timo beerista ragga oo ah adeeg meelo kale loo aadi jiray.

BBC SOMALI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip