Hadaladii ugu dambeeyay Jamal Khashoggi uu ku dhawaaqayey oo la shaaciyay

0
Tuesday November 13, 2018 - 00:25:48 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadaladii ugu dambeeyay Jamal Khashoggi uu ku dhawaaqayey oo la shaaciyay

    Madaxa baaritaanada u qaabilsan wargeyska Turkish Daily Sabah ayaa sheegay in ereyadii ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi uu ku dhawaaqayey ay ahaayeen "Neeftaa igu xirmeysaa ee iga qaada boorsada aad madaxa iga saarteen" sida laga soo xigte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa baaritaanada u qaabilsan wargeyska Turkish Daily Sabah ayaa sheegay in ereyadii ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi uu ku dhawaaqayey ay ahaayeen "Neeftaa igu xirmeysaa ee iga qaada boorsada aad madaxa iga saarteen" sida laga soo xigtey codad laga duubay gudaha qunsuliyada Sacudiga ee Istanbul.

Khashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacudi Carabiya ayaa neef qabatimoobay markii la ceejiyay oo madaxana laga saaray boors sida uu sheegay Nazif Karaman.

Karaman oo ah weriye wax baara ayaa intaa ku daray in dilka Khashoggi uu qaatay muddo toddobo daqiiqo ah sida laga dhagaystay codadka ay heshay dowlada Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay sabtidii in codad laga duubay dilka Khashoggi ay la wadaageen dalalka Saudi Arabia, the United States, Germany, France iyo Britain.

Sida uu sheegay Karaman kooxda ka dambeysay dilka Khashoggi ayaa waxa ay ku gogoleen dhulka bac ballaaran kahor intaysan jarjarin meydka Khashoggi iyadoo howshaa oo uu horkacayay Salah al-Tubaigy ay socotay muddo 15 daqiiqo ah.

Karaman ayaa sheegay in wargeyska Daily Sabah uu dhowaan daabaci doono muuqaalada qalabkii laga soo geliyay dalka Turkiga kuwaasoo ay isticmaleen kooxdii qaarijisay Khashoggi.

Sidoo kale Karaman ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan dhowaan codadkii laga duubay dilkii Khashoggi.

Bishii aynu ka soo gudubnay xeer ilaaliyaha Istanbul ayaa sheegay in Khashoggi la ceejiyay isla markii uu galay qunsuliyada Sacudiga ee Istanbul isla markaana jirkiisii la jarjaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip