Waxyeelo hor leh oo ka dhalatay kaymaha Gubanaya ee Mareykanka.

0
Monday November 12, 2018 - 23:27:57 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyeelo hor leh oo ka dhalatay kaymaha Gubanaya ee Mareykanka.

    Tirada geerida ee ka dhalatay gobolka Kaliforniya ayaa korortay waxayna gaartay 31 ruux, 200 oo kale waa la la'ayahay, sida ay xaqiijyeen Saraakisha ku mashquulsan Dam damiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada geerida ee ka dhalatay gobolka Kaliforniya ayaa korortay waxayna gaartay 31 ruux, 200 oo kale waa la la'ayahay, sida ay xaqiijyeen Saraakisha ku mashquulsan Dam damiska.

Lix ruux ayaa la xqiijiyya in ay isku meel ku dhinteen Woqooyiga Gobolka California, waxaana hada Dabka qaxaya lagu tilmaamay in uu yahy kii ugu darnaa tan iyo 1933kii oo ay musiibo ka dhacday Los Angeles.

Koofurta Gobolkana waxaaa laga soo sheegay Labo qof oo isku meel ku geeriyootay iyadoo uu dhaawac weeyn soo gaaray magaaladda Xeebta leh ee Malibu.

Dad lagu qiyaasay 250,000 oo ruux guryahoodii ka baxay Sedax jiho ee uu Gobolku ka gubanayo .

Xilli ay xoogeeysteen dabaylaha uga sii daraya holaca Dabka ayaaa guddoomiyaha gobolka California Jerry Brown waxaa uu ku booriyay madaxweeyne Donald Trump in uu ku dhawaaqo musiibo qaran, taasi oo keeni karta in Dowladda Faderaalku ay kabto miisaaniyadda Gobolka.

Baaxadda dhulka bas-beelay waxaa lagu sheegay 44,000 oo hector. (Hiktar).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip