Eritrea oo rajo ka qabta in laga qaado cunaqabateyta saaran

0
Monday November 12, 2018 - 21:38:19 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eritrea oo rajo ka qabta in laga qaado cunaqabateyta saaran

    Dowladda Eritrea ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo ceshaneyso maqaamkeedii dunida, kaddib markii sanadkii hore uu dhacay heshiis taariikhi ah oo dhaxmaray dowladdaha gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea. Xukuumadda Asmara ayaa hadda rajo bada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Eritrea ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo ceshaneyso maqaamkeedii dunida, kaddib markii sanadkii hore uu dhacay heshiis taariikhi ah oo dhaxmaray dowladdaha gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea. Xukuumadda Asmara ayaa hadda rajo badan ka qabta in laga qaado cunaqabateynta la saaray sanadkii 2009-kii, taasoo isugu jirtay cunaqabateynta hubka, xayiraadaha hantida iyo safarada ee la saaray dowladda Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub siiso Al-Shabaab iyo inay diiday qaraarkii lagu xalinayay muranka xuduuda ee kala dhaxeeyay Jabuuti.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay fadhi gaar ah yeeshaan, kaasoo warbixin looga dhageysanayo Guddiga la socodka Cunaqabateynta Eritrea iyo Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa loogu baaqi doonaa in ay sii wado dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo muranka xuduuda ee u dhaxeeya iyaga iyo Jabuuti, iyadoo la eegayo sharciyada caalamiga ah.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inay muddo sanad kale ku sii daraan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha.



Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika iyo heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ee soo afjaray colaadii 20-ka sano u dhaxeysay ayaa fursad u noqday in mar kale Eritrea ay ku soo muuqato saaxada, isla markaana ka baxdo go’doonkii ay ku jirtay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip