Dhagayso:Feysal Cali Waraabe:" Inan yar oo Farmaajo la yiraah ayaa Itoobiya naga xirey."

0
Monday November 12, 2018 - 20:26:03 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhagayso:Feysal Cali Waraabe:" Inan yar oo Farmaajo la yiraah ayaa Itoobiya naga xirey."

    Guddooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe oo hadalo xanaf leh marwalba ku dhowaaqa ayaa ku tilmaamay madaxda dowlada Federalka dad da' yar oo baabi'inaya shacabka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe oo hadalo xanaf leh marwalba ku dhowaaqa ayaa ku tilmaamay madaxda dowlada Federalka dad da' yar oo baabi'inaya shacabka Somaliland.

Waxa uu sheegay Feysal Cali Waraabe in muddo dheer ay raadinayeen aqoonsi balse ay heli waayeen haatana siyaasada arrimaha dibbada ay dadka ku nool Koofurta Soomaaliya ay kaga horeeyaan.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu yahay nin yar oo ka xirey shacabka ku nool gobolada Waqooyi xiriirkii ay la lahaayeen dowlada Ethiopia.

"Waa taas Maanta Inanka yaree Farmaajo ah oo isaga oo 15 jir ah Mareykanka tegay Maanta Itoobiya ayuu inaga xiray,anaga ayaa ugu wacan oo isku jeedna,” ayuu yiri Feysal Cali waraabe.



Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibada dhow la ahaa Maamulka Somaliland hase yeeshee kulankii ugu dambeeyey ee ay yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ayaa warmurtiyeedkii laga soo saaray lagu sheegay in la dhowrayo xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya taasoo dhabar jab ku noqotay Maamulka Somaliland.

Halkan hoose ka dhagayso warka ka soo yeeray Feysal Cali Waraabe;

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip