Sideeddii Walaalaha ahaa ee halka mar kawada dagaallamay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka

0
Monday November 12, 2018 - 11:21:16 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideeddii Walaalaha ahaa ee halka mar kawada dagaallamay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka

    Kumanaan kun oo askar ah ayaa ka barbar dagaallamay qoysaskooda kuna dhintay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, balse Thomas iyo Eliza Everton waxay usoo joogeen dhammaan wiilashoodii sideedda ahaa oo hal mar dagaalka wada galay. Hal mid mooyee wiilashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo askar ah ayaa ka barbar dagaallamay qoysaskooda kuna dhintay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, balse Thomas iyo Eliza Everton waxay usoo joogeen dhammaan wiilashoodii sideedda ahaa oo hal mar dagaalka wada galay. Hal mid mooyee wiilashii lammaanahaas nabad ayay kusoo guryo noqdeen.

Xaaladda qoyskaas oo dhif iyo naadir ahayd awgeed ayaa keentay in boqortooyadu ay waraaq u dirto waalidka wiilashaas dhalay sanadkii 1915-kii oo ay uga mahadcelinayso sida wiilashoodu ay uga qayb qaateen dagaalka.

Warqaddaas la naqshadeeyey oo ay ku masawirnaayeen dhammaan wiilashii dagaalka ka qayb qaatay ayaa waxaa isu soo gudbiyey durriyaddii qoyskaas reer Birmingham.

"Sideed wiil oo walaalo ah oo iskumar ciidan noqday - waa arrin ugub ah oo aan horay loo arag" ayuu yiri John Jones, oo 76 jir ah.

"oo haddana dhammaantood waxay ahaayeen dad iskood isku xilqaamay. Mana ahayn caruur - waa arrin maanka daalinaysa".

Sideeddii wiil ee walaalaha ahaa da'doodu waxay u dhaxaysay 43 ilaa 20 markii ay dagaalka iska diiwaan galiyeen


Lahaanshaha sawirkaLINDA WITHEYImage captionSideeddii wiil ee walaalaha ahaa da'doodu waxay u dhaxaysay 43 ilaa 20 markii ay dagaalka iska diiwaan galiyeen

Thomas iyo Eliza EvertonLahaanshaha sawirkaLINDA WITHEY Image captionThomas iyo Eliza Everton

Thomas John Everton, waxa uu dhashay sanadkii 1851, wuxuu guursaday Eliza oo ay isu dhaleen sideed wiil iyo laba gabdhood.

Thomas iyo Eliza Everton Waxay asal ahaan kasoo jeedaan tuulada Chaddesley Corbett ee katirsan degmada, Worcestershire, waxayse markii dambe u guureen Birmingham oo ay shaqo u raadsadeen balse shaqo la'aan jirtay awgeed waayo adag ayay muteen.

Sanadkii 1881, Mrs Everton waxay ku dambaysay warshad yar oo kutaal Aston ayada iyo shanta ilmood ee caruurteeda ugu waawaaweyn kadib markii laga saaray gurigii ay dagganaayeen.

Waqti dheer kama soo wareegin in qoyskaas uu dib u midoobo kadib markii Mr Everton uu shaqo ka helay magaalada Birmingham.

Intaa kadib waxaa lasoo gaaray 4-tii bishii August, sanadkii 1914-kii, oo ay Britain ku dhawaaqday in ay dagaal ku qaadayso Jarmalka.

Ayadoo la ogyahay in ciidan badan loo baahnaa, ayaa Lord Kitchener, oo ahaa Xoghayihii dagaalka u qaabilsanaa Britain, waxa uu baaq toos ah u jeediyey ragga reer Britain.

Sidaas darteed qoyska ayaa gacan ka gaystay ka qayb qaadashada dadaallada dagaalka, dhammaan sideedii wiil ee walaalaha ahaa oo da'oodu ay u dhaxaysay 20 ilaa 43, ayaa iska diiwaan galiyey ciidamada.

Alfred, oo ahaa curadkii reerka iyo walaalkiis ka yaraa, Francis, ayaa guursaday oo reero lahaa wayna ka tageen qoysaskoodii.

Sideedduba waxay ka barbar dagallamen ciidamo kale duwan waxayna soo wada mareen furinta dagaalka.

Francis, oo waagii dambe loo yaqaannay magaca Frederick, ayaa warqado qurux badan uga soo diri jiray furinta hore ee dagaalka xaaskiisa, Gertrude, taas oo uu guursaday bishii April ee 1914, dhowr bilood kahor inta aanu dagaalku qarxin.

Nasiibdarrose, farriimihii qalbiga u roonaa ee uu ku qoray qalin pencil-ka ayaa masaxmay kadib markii uu waqti badani kasoo wareegay.

Saddex iyo toban bilood oo uu dagaalku socday kadib, ayaa la dilay curad xigeenkii, Thomas William, kaas oo la dilay asagoo dagaalka ku jira 25-kii September 1915-kii laguna dilay dagaalkii la magac baxay Battle of Loos asagoo 38 jir ahaa.

Frederick EvertonLahaanshaha sawirkaLINDA WITHEY  Image captionFrederick Everton

Dhowr bilood kadib, bishii June 1916-kii, Frederick ayaa la siiyey 14 cisho oo fasax ah si uu ugu laabto xaaskiisa kadib markii ay geeriyootay gabadhoodii Lillian, oo 21 bilood jirtay.

Balse markii la gaaray dhammaadkii dagaalka, intii hartay wiilashii walaalaha ahaa ee reer Everton waxay kusoo laabteen dalkoodii iyo qoysaskoodii, waxaana la guddoonsiiyey billad ku aaddan kaalintii ay ku lahaayeen difaaca dalkooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip