Is bedel lagu sameeyay Taliyeyaasha qaar ka mid ah Saldhigyada Booliska degmooyinka G/Banaadir

0
Monday November 12, 2018 - 10:56:47 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is bedel lagu sameeyay Taliyeyaasha qaar ka mid ah Saldhigyada Booliska degmooyinka G/Banaadir

    Taliska Ciidanka Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa is bedel lagu sameeyay, iyadoo xilalka laga qaaday taliyeyaasha afar saldhig boolis iyo Talis qeybeedyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa is bedel lagu sameeyay, iyadoo xilalka laga qaaday taliyeyaasha afar saldhig boolis iyo Talis qeybeedyo.

Taliyeyaasha saldhigyada Booliska H/wadaag, Heliwaa, Yaaqshiid iyo Dharkeenley ayaa xilka laga qaaday, iyadoo Taliyeyaal cusub la magacaabay.

Waxaa xilka laga qaaday taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble, waxaa xilkaas loo magacaabay Taliye Yuusuf Xundubey oo horay u ahaa kuxigeenka qeybtaad.

Sidoo kale waxaa la magacaabay talisyad qeybaha gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay rag dhalinyaro ah oo ka tirsan Taliska Booliska.



Tallaabadan is bedelka ah ee lagu sameeyay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka iyo Talis qeybeedyada ayaa la ogeyn inay jawaab u tahay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho jimcihii la soo dhaafay, kaasoo dad badan ay ku dhinteen, waxaana Taliska Booliska uu sheegay inuu bilaabat baaritaan ku aadan qaraxyadaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip