Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo jawaab ka bixiyay eedeymo uu u soo jeediyay Xildhibaan Warsame Joodax

0
Monday November 12, 2018 - 10:51:53 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo jawaab ka bixiyay eedeymo uu u soo jeediyay Xildhibaan Warsame Joodax

    Duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uu u soo jeediyay Xildhibaan Warsame Joodax oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka. Eng Yarisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Xildhibaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uu u soo jeediyay Xildhibaan Warsame Joodax oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka. Eng Yarisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Xildhibaan Warsame Joodax uu ka xanaaqsan yahay markii laga qaaday xarun waaxda Waaberi oo shacabka loogu adeegayay isagana uu ku doodayo inuu sharci u haysto.

"Waxay ahayd inuu oggolaado halka uu warbaahinta ka caytamayo,Shaqsi goob Dan Guud si gaar ah uma isticmaali karo.”ayaa ka mid ahaa ereyadii uu Eng Yariisow ku qoray bartiisa Facebooga.


Xildhibaan Warsame Joodax oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu ku fashilmay Amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Warsame Joodax ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho waxa uu ku eedeeyay Duqa Muqdisho inuu Amniga uga mashquulay Siyaasad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip