Bal ka waran adoo derbi jiif ah haddii lacag badan lagu siiyo?

0
Monday November 12, 2018 - 09:51:37 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bal ka waran adoo derbi jiif ah haddii lacag badan lagu siiyo?

    Olole dhaqaale oo nin darbi jiif ahaa lacag loogu ururinayay ayaa gaartay 100,000 oo ah doolarka dalka Australia. Ninkaan oo ka mid ah dadka aan guryaha haysan ee gidaarada seexda ayaa joojiyay nin magaalada Melbourne mindi weerar ku gaysanayay oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Olole dhaqaale oo nin darbi jiif ahaa lacag loogu ururinayay ayaa gaartay 100,000 oo ah doolarka dalka Australia. Ninkaan oo ka mid ah dadka aan guryaha haysan ee gidaarada seexda ayaa joojiyay nin magaalada Melbourne mindi weerar ku gaysanayay oo waxaa uu ninka dhankiisa u riixay Trolle-ga alaabta looga qaato goobaha laga dukaameeysto. Michael Rogers, ayaa waxaa baraha bulshada looga bixiyay "Ninka "Trolle-ga" Kadib markii maalintii jimcaha ahayd uu ka hortagay Hassan Khalif Shire Ali oo isku dayayay in uu tooriyeeyo laba sarkaal oo boolis ah. Ninka dambiilaha ah, waxa uu dily milkiile goob lagu qaxweeysto, waxaa uuna sidoo kale dhaawacay laba qof oo kale. Balse markii dambe isaga qudhiisa ayaa la toogtay waxaa uuna ku dhintay gudaha cisbitaalka.

.

Olole dhaqaale oo nin darbi jiif ahaa lacag loogu ururinayay ayaa gaartay 100,000 oo ah doolarka dalka Australia.

Mar ay warbaahinta wax ka weydiisay Mr Rogers oo 46 sano jir ah sida uu u wajahay ninka: waxa uu yiri, " waxa aan ku tuuray Trolle-ga kadibna waan qabtay inkastoo aysan ii suura galin in aan dhulka dhigo. "

Bog lagu magacaabo GoFundMe oo lacag lagu uruuriyo ayaa ka caawiyay Mr Rogers in uu helo lacagtaasi.

"Shakhsi ahaan waa uu u qalma in uu loo uruuriyo lacagta," ayay wakaaladda wararka u sheegtay Stolzenberg oo ah aasaasaha bogga GoFundMe.

Markii bogga lagu qoray arrintaan, 3,388 oo qof ayaa lacago bixiyay, waxaana booggaan barta Facebook lagu wadaagay 11,000 oo jeer.

.Lahaanshaha sawirkaWILLIAM WEST

Markii ay lacagta soo uruurtay waxa ay telfoonka kula xiriireen Mr Rogers waxa ayna berri ku wareejin doonaan lacagtii loo soo ururiyay, taasi oo ka caawin donta in guri helo oo ay noloshiisa wax iska bedesho.

BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip