Israsaaseyn Ka Dhacday Degmada Hobyo & Khasaaro Ka Dhashay
Wararka inaga so gaaraya Magaalda Hobyo ee G. Mudug ayaa sheegaya in Magalada Hobyo ay is rasaaseyn
ka dhacay maanta Magaladaasi taasoo ahyed mid ku dhexmartay dableey hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug.
Xilliga ay is rasaaseynta dhaceysay ayaa Ciidamada Boo liska Galmudug waxa ay wadeen howlgallo Magaaldaasi Howlo amniga lagu xaqiijinayo,waxana ay isku dhaceen rag hubeysan oo doonayay inay falal amnidarro ka geystaan Magaladaasi.
Dad ku sugan degmada Hobyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyeen in is rasaaseyntaasi uu ku geeriyooday hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Galmudug, isla markaana xaaladdu ay noqotay mid degan ka dib markii kooxdii dableyda ahyed ay isga carareen deeganka
.
Maamulka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug iyo saraakiisha Ciidamada booliska weli wax faah faahin ah kama aysan bixinin is rasaaseynta ka dhacday degmada hobyo maanta
wixii warar intaa dheer dib ugula socda wararkeena danbe insha allaah.
Israsaaseyn Ka Dhacday Degmada Hobyo & Khasaaro Ka Dhashay
Wararka inaga so gaaraya Magaalda Hobyo ee G. Mudug ayaa sheegaya in Magalada Hobyo ay is rasaaseyn ka dhacay maanta Magaladaasi taasoo ahyed mid ku dhexmartay dableey hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug. Xilliga ay