Madaxweyne Farmaajo oo ku amray Taliyaasha ciidamada inay warbixin dhamaystiran ka keenaan Qaraxyadii Muqdisho

0
Sunday November 11, 2018 - 18:55:13 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ku amray Taliyaasha ciidamada inay warbixin dhamaystiran ka keenaan Qaraxyadii Muqdisho

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.

Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha dalka ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Saree Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Kusimaha Agaasimaha NISA ahna Agaasime kuxigeenka Fahad Yaasiin, waxaana sawirada kulanka ka muuqday kaliya saddexda Taliye ciidan ee Booliska, Milateriga iyo Asluubta.

Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa looga baran inuu ka soo muuqdo kulamada iyo fagaarayaasha, waxaa la sheegaa inuu yahay nin aad isaga qariya kaamirooyinka, inkastoo uu yahay nin dadku yaqaanaan oo ka soo shaqeeyay, kana soo muuqday Telefishinka Al Jazeera.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa saddex qarax lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintey inku dhow konton ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa eek a dhaca Muqdisho tan iyo qaraxii Zobbe oo galaaftay dad ka badan lix boqol oo ruux.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip