HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA NOVEMBAR 2018-KA

0
Sunday November 11, 2018 - 09:27:58 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA NOVEMBAR 2018-KA

    MADAXWEYNE GAAS OO EEDEEYAY DOWLADDA DHEXE Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in kaliya ay ahmiyad siiyaan shaqaalahooda joogo Magaalada caasimada ah iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE GAAS OO EEDEEYAY DOWLADDA DHEXE Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in kaliya ay ahmiyad siiyaan shaqaalahooda joogo Magaalada caasimada ah iyo hareeraheeda.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dhowr jeer shaacisay in ay bixiyeen dhamaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda balse ay kaliya bixiyaan sida uu sheegay mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ee Magaalaa Muqdisho ku sugan.

Gaas-638x420


"Shaqaalaha iyo Ciidamada ay sheegayaan in ay siyeen mushaaraadka waa kaliya kuwa Xamar iyo meelaha ku dhaw joogo oo kuma jiraan kuwa maamul goboleedyada”ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Eedeymahaan ayaa imaanaya xili xiisad siyaasadeed oo xoogan ay u dhaxeyso madaxda Maamul Goboleedyada iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

MADAXWEYNE TRUMP OO LAGU QANCIYAY IN YURUB AY YEELATO CIIDAMO U GAAR AH

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu dambeyntii aqbalay in xulufadiisa reer Yurub ay dhistaan ciidamo Milateri u gaar ah oo ka madaxbanaan ciidamada xulufada gaashaanbuurta NATO.

Trump oo iminka booqasho ku joogo dalka France ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in uu aad

kaga xunyahay ciidamada wadamada Midowga Yurub ay doonayaan in iskood ay u dhistaan badalkii ay wada dhisan lahaayeen maadama ay yihiin wadamo is xulufeysta.

Trump-640x408 (1) Balse hada waxay u muuqataa in Madaxweynaha Fransiiska Macron uu ku qanciyay dhigiisa dalka Mareykanka in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah.

TURKIGA OO CODADKA LAGA DUUBAY DILKA KHASHUQJI LA WADAAGAY SACUUDIGA IYO MAREYKANKA

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay codad duuban oo caddey u ah dilka Khaashuqji loo geystay inuu la wadaagay Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Waddama kale.

Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale ku celiyey hadalkii ahaa Sacuudi Carabiya iney ogtahay cidda dishay Jamaal Kaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa qoraa si weyn u dhaleeceeya hoggaanka sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa 2dii October lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Sacuudiga ayaa waxuu aqbalay in qunsuliyaddiisa lagu dhex dilay Khaashuqji, balse waxay diidday dilkiisa iney ku lug leedahay boqortooyada.

Riyadh waxay horay u sheegtay isaga oo nabad qaba inuu qunsuliyadda uu ka daneystay uuna ka baxay inkasta oo ay marki dambe qiratay.

acuudiga ayaa wuxuu sida oo kale uu ka gaabsaday inuu ka hadlo hadalki ka soo yeeray dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxammed Bin Salmaan ee ahaa Khaashuqji inuu ahaa muslin xag jir ah.

2 Oktoobar

Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsan yahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaartay goor dambe oo galabti ah.

Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaari dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka

Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khaashuqji ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa

Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Gawaari ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda

Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga

3 Oktoobar – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda

4 Oktoobar – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda

7 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa BBCda u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khaashuqji lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas’uuliyiinta Sucuudiga.

13 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa laanta afcarabiga ee BBCda u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa horay u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah

15 iyo 1718 Oktoobar – Baareyaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baaritaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda

19 October – Telefishinka Dowladda Sucuudiga ayaa soo tabiyay in baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ay muujiyeen in Jamaal Khaashuqji uu ku dhintay gudaha qunsuliyadda. In labo sarkaal oo sar sare laga eryay shaqada islamarkaana boqor Salmaan uu ku dhawaaqay in la sameeyo guddi heer wasiirro ah oo dib u habeyn ku sameeya waaxda sirdoonka.

20 October – Saraakiisha Turkiga ayaa wacad ku maray iney shaaca ka qaadi doonaan caddeymo ku saabsan dilka

21 October – Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in arrintu ay ahayd "howlgal khaldamay” wuxuuna beeniyay in amarka "dilka” uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada.

Waxay sheegeen in ay xireen 18 ruux, shaqadana ka eryeen labo sarkaal oo ka mid ahaa dadka u dhow Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale waxaa la dhisay guddi dhaxal sugaha ka hoos shaqeynaya oo dib u habeyn ku sameynaya maamulka waaxda sirdoonka ee dalka Sacuudiga.

Boqor Salmaan iyo amiir Maxamed ayaa labaduba waxay taleefan ka waceen wiilka uu dhalay Jamaal Khaashuqji oo lagu magacaabo Salah, waxayna uga tacsiyeeyeen geerida aabihiis.

Saalax Khashoqji ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, haweeneydii uu damacsanaa Khaashuqji inuu guursado, Hatice Cengiz, oo u dhalatay Turkiga isla markaana ahayd qofkii ugu horreeyay ee soo tabiya maqnaanshihiisa ka dib markii ay dhowr saacadood sugeysay, ayaa loo sameeyay ciidamo boolis ah oo 24 saacadood ilaaliya, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Sidey dunidu uga fal celisay dhacdadan?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Sabtidii wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in been badan ay ku jirto sharraxaadda Sucuudiga.

Trump ayaa xoojiyay suurtagalnimada in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga.

Hase ahaatee joojinta qandaraaska hubka ayuu ku tilmaamay "mid mareykanka gaarsiineysa qasaare ka badan midka ay gaarsiineyso Sucuudiga”.

Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan naxdinta ay ka qaadeen dhimashada waxayna codsadeen in sharraxaad buuxda la siiyo.

Hase ahaatee dalal dhowr ah oo Sacuudiga ay xulafo yihiin ayaa taageero u muujiyay boqortooyada khaliijka.

Dowladda Kuwait ayaa boqor Salmaan ku amshalayy sida uu ula tacaalay kiiskan, halka dowladaha Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna sidaas oo kale u garab istaageen Sucuudiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in "run qaawan” uu shaaca uga qaadi doono khudbad uu maalinta Salaasada ah ka jeedin doono baarlamaanka.

Xaggeey baaritaannadu hadda marayaan ?

Inkastoo ay dowladda Turkiga xoogaa hakisay eedeyntii tooska ahayd ee ay dilka ugu jeedineysay Sucuudiga, haddana baareyaasha ayaa sheegay iney hayaan cadeyn maqal iyo muuqaal ah oo la xiriirta in dilka Khaashuqji ay qunsuliyadda dhexdeeda ku fuliyeen koox Sucuudi ah oo loogu tala galay iney dilalka fuliyaan.

Booliska ayaa baaritaan ka sameeyay keymaha u dhow goobtaas ee magaalada Istambul, waxayna aaminsanyihiin in meydkiisa lagu tuuray aagaas ayna heli doonaan "mar aan dheereyn”.

Dhismeyaasha qunsuliyadda iyo hoyga qunsulka ayaa labadaba baaritaanno lagu sameeyay.

Dacwad oogeyaasha Turkiga ayaa su’aalo weydiinayay shaqaalaha maxalliga ah ee Qunsuliyadda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Axadii ku warrantay in sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay in Khaashuqji la dilay ka dib markii uu diiday isku day lagu doonayay in dib loogu celiyo dalkiisa.

Meydkiisa oo la burburiyay ayaa markaas ka dib loo dhiibay shirkad maxalli ah oo la shaqeysa qunsuliyadda, si loo tuuro.

Sarkaal Suciidi ah ayaa xirtay dharkii Khaashuqji wuxuuna ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda.

DONALD TRUMP OO DIGNIIN CULUS U DIRAY SUXUFIYIINTA AQALKA CAD

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa suxufiyiinta gaar ahaan wardoonada Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo diray digniino culus kuna eedeeyay in ay warbixino been abuur ah ka gudbiyaan maamulkiisa.

trrrrmmm Iyadoo markii horeba Maaxweyne Trump uu qoonsanaayay warbaahinta ayaa waxaa xiisada sii xumeeyay falkii wariyaha muuq baahiyaha CNN warka kaga soo tabiya Aqalka Cad Jim Acosta lagala laabtay warqadaha ogolaashaha lagu soo gallo Aqalkaasi, kaib markii uu su’aal uu dhibsaday weydiiyay Maaxweyne Trump oo khudba jeedinaayay.

Mar uu madaxweyne Trump warbaahinta la hadlay daraad gelinkii dambe ayuu wariye Jim Acosta ku tilmaamay in uu yahay wariye aan xirfad duruqsan u lahayn saxaafada uuna ku xadgudbay qiyimka madaxweynaha maadaama uu I weydiiyay su’aal ay ka muuqatay kalsooni daro iyo xushmad la’aan mana aqbali doono in suxufiyiinta kale ee la amidka ah ee weli ka howlgalla Aqalka Cad in ay howshooda sii wataan ,hadlkaasi oo u muuqday in madaxweynuhu uu si qeyxam ugu goodinayo suxufiyiinta.

Durbadiiba qaar kamid ah suxuyiinta wararka kasoo tabiya Aqalka Looga arrimiyo Mareykanka ayaa si cad kaga soo horjeestay eedeymaha ah in xirfad badan aynan lahayn, kuna tilmaamay hadalka madaxweynaha iska hadal iyo digniin uu ku doonayo in uu afka ku qabto saxaafada xurta ah sida ay hadalka u dhigeen.

Kooxaha u dooda xuriyada hadalka ayaa durbadiiba dhaleeceeyay digniinaha madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu u jeediyay Saxaafada balse Trump iyo maamulkiisuba uma muuqdaan kuwo maqlay baaqyada loo soo diray.

Trump iyo saxaafada waxaa ka dhaxeyso cadawtooyo soo jireen ah laga soo bilaawo markii kurisiga madaxtinimada dalkaasi loo dhaariyay oo ay saxaafadu sheegtay in si been abuur ah uu kusoo baxay kuna tilmaamay in uu yahay cunsuri waana halkaasi meesha ay Trump iyo saxaafada iska qoomsadeen.

Wixii intaas ka dambeysay way wada shaqeynayeen isaga iyo saxaafada oo danta ku qasabtay in ay la shaqqeeyaan balse xiriir xun ayaa kala dhaxeeyay.

AKHRISO: MAGACYADA WASIIRADA SOMALILAND EE ISKU SHAANDHEYNTA LAGU SAMEEYAY

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Somaliland, sida lagu sheegay War saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland ee lagu sheegay isku shaandheynta Golaha Wasiirada Somaliland, ayaa u qornayd sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222233/112018 uu Magacaabid iyo Iskubeddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidaan:

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid iyo Iskubeddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayaaragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: Latashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda shalay aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.

3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Kuxigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

2) In laga bilaabo taariikhda shalay aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhagaweyne) – Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

5.Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

7.Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda shalay uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

DOORASHADA MADAXTINIMADA KOONFUR GALBEED OO WEJI KALE YEELATAY ..

Is casilaadda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sida la sheegay ku timid heshiis uu la gaaray Dowladda Federaalka Somaliya, taasoo uu dhanka Dowladda Federaalka u saxiixay Wasiirkeeda Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye.

Heshiiskan oo dhawr qodob ka koobnaa ayaa qodobada uu Shariifka ku aqbalay in uu xilka isaga tagga waxaa ka mid ah in aanu doorashadan ka qaybgeli karin Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), xilli Abuu Mansuur uu horaantii toddobaadkii hore buuxiyay dhammaanba sharuudihii laga doonayay, islamarkaana ay Guddigii Doorashada guddoonsiiyeen shahaadadii uu doorashada kaga qaybgeli lahaa. Bishii September ayayna ahayd markii Dowladda Federaalka ay sheegtay inaanu Abuu Mansuur doorashada ka qaybgeli karin, iyadoo taasi sabab kaga dhigtay Mareykanka oo si dhameystiran aan kaga saarin liiska argagixisada.

Guddiga Doorashada oo toddobaadkii hore is casilay ayaa waxay cadeeyeen inaysan waxba ka jirin shahaadooyinkii la guddoonsiiyay Abuu Mansuur iyo xubno kale oo musharaxiinta ka tirsan, lacagihii laga qaadayna dib loogu celiyay koontooyinkooda. Musharaxiinta waxaa lagu wargeliyay in sharuudaha doorashada ay buuxin doonaan, marka dib loo soo magacaabo Guddiga Doorashada.

Ma cadda waxa Shariif Xasan uu Abuu Mansuur kaga hor istaagey in xafiiska uu u tartamo, waxaase loo qaateen ah mid uu ku carqaladeynayo habsami u socodka doorashada.

Musharaxiinta u tartameysa jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo dhawr iyo toban lagu sheego ayaa loo kala qaybiyaa heerarka (A, B & C), iyadoo saddexda xubnood ee sareysana ay kala yihiin C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Wasiirkii hore ee Tamarta & Biyaha ee Somaliya, Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Kuxigeenkii hore ee Madaxa Ururka Al Shabaab.

Marka laga soo taggo caqabadda la sheegay inay horgudban tahay Abuu Mansuur ayaa dhanka kale waxaa jirta caqabad kale oo hortaagan C/casiis Lafta Gareen, caqabadaas oo ah inaanan laga rabin Deegaanada Koonfur Galbeed.

DAAD DAD KU LAAYAY DALKA JORDAN

Daadad ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay dalka Jordan ayaa sababay dhimashada ilaa 9 ruux halka 3,700 dalxiisayaal ahna ay dowladda ku qasabtay in ay isaga tagaan Magaalada Petra ee dalkaasi si uu u yaraado khasaaraha ka dhalanaya daadadkaasi.

Dalxiisayaashaani ayaa loo waday meel amaan ah oo uusan roob ka da’in si naftooda loo badbaadiyo sida uu warbaahinta u sheegay afayeen u hadlay dowladda oo magaciisa lagu sheegay Jumana Ghunaimat.

Sidoo kale afayeenka ayaa ka warbixyay dadka sagaalka ah ee ku geeriyooday daadadkaasi in ay kamid ahaayeen Labba Dumar ah iyo Gabar yar oo wada joogay Gobolka Madaba ee dalkaasi Jordan halkaasi oo roobabka xoogan ay maalmahaanba ay ka da’ayeen.

"Gabadha yar iyo Labbada dumarka ah ee kamidka ah dadka ku dhintay masiibadaan ka dhalatay roobaablka, waxaa ay wada saarnaayeen hal gaari ka hor intaanu daadka qaadin gaariga ay wateyn waxaana dad goob joogeyaal ahaa ay inoo xaqiijiyeen in aynan jirin fursad lagu badbaadin karay oo uu mar qura daadku qaaday gaariga ay wateen durbaiina la wayaay oo ay mirqeyn”ayuu sheegay Jumana Ghunaimat mar uu warbaahinta ugu warbixnaayay dhacdadaani iyo dadka ku waxyeeloobay.

Ahmed Shamaseen oo kamid ah dadka deegaanka daadadka sida u xun u saameeyeen ahna milkiilaha Petra Harmony guest houseayaa Wakaalada wararka ee AP u sheegay in uu indhahiisa ku arkaayay daad wata dhagxaan in uu galay dukaaman dadka si aad ah kaga adeegtaan waxyeeleyayna dhamaan dadkii xiligaasi dukaameesanaayay oo qaarkood uu soo gaaray dhaawacyo daran.

Waxa uu sheegay in isagu uu badbaadiyay lamaane Neherland u dhashay oo degenaa Hotelkiisa kuwaasi oo dalxiis u yimid dalkaasi.

Dowladda Cumaan ayaa goobaha waxbarashada, shaqada iyo dalxiiskaba ku amartay in la xiro si bay yiraahdeen uu u yaraado khasaaraha waxayna u muuqataa in uu sii siyaadayo khaasaraha ka dhsahay daadadkaasi.

OIC: "SOOMAALIYA WAXAAN KA TAAGEERAYNAA LA DAGAALANKA SHABAAB”

War kasoo baxay xafiiska guud ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya ka tageerayaan la dagaalanka waxa ay ku tilmaameen argagixisada.

Waxa ay balanqaadeen in ay dadka iyo dowladda Soomaaliya ay garab taagnaan doonaan kana caawin doonaan sidii dowladda dhexe ay guul kaga gaari laheyd dagaalka sanadaha qaatay oo ay kula jiraan Islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya ee shabaab.

Xoghaayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmed AlOthaimeen ayaa sheegay in la joogo xiligii dowladaha Islaamka ay u midoobi lahaayeen la dagaalanka ururada huwan magaca Islaamka ee ku lugta leh dagaalada dhiiga badan ku daatay isagoo tusaale usoo qaatay shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

waxa uuna sheegay in Ururka iskaashiga Islaamka ay usoo jeesan doonaan taageerida Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in caqabad weyn ay ku haayaan shabaab oo sida uu sheegay dowladnimada Soomaaliya ay ka kobci la dahay.

Balanqaadkaan uu Ururka iskaashiga Islaamka uu u sameeyay Soomaaliya ayaa kusoo aadayo maalin uun ka dib markii shabaab ay Magaalada Muqdisho ka geysteen weerar loo adeegsaday qaraxyo is xig xigay oo ay ku naf waaayeen in ka badan 35 ruux tiro intaas ka badana ay ku waxyeeloobeen.

DFS OO LOOGU BAAQAY IN AY FARAGALISO KHILAAFKA GALMUDUG

Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay faragaliso khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug.

Ugaas Weli ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee Galmudug ay sababi karto in uu dumo maamulkaasi oo hada u kala jabay laba garab.

Sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ku booriyay in ay samata bixiso Galmudug, si loo badbaadiyo jirtaanka maamulkaasi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah.

Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal.

Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho.

SOMALIDA AUSTRALIA OO CAMBAAREYSAY WEERARKII WIILKA SOOMAALIGA AHAA UU KA GEYSTAY DALKAASI

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia ayaa ka ka hadlay dhacdadii wiilkii asal ahaantiisa Soomaaliga ahaa uu ka geystay wadada Bourke ee ku taalla bartamaha Magaalada Melbourn ee dalkaasi Australia.

Waxa ay ku tilmaameyn in falkaasi uu ahaa mid bahalnimo ah oo ay aad u cambaareynayaan iyagoo ku nuux nuuxsaday in caqliga laga xaday oo ay Soomaalida miyirka qaba sidaasi u fikirin.

Booliska dalkaasi ayaa toogtay Xasan Khalifa Shire oo 30 sano jir ahaa ka dib markii uu midi uu watay uu ku dhaawacay ilaa afar ruux oo uu mid dhaawac halis ah yahay deetana dab qabadsiiyay gaari uu kasoo buuxiyay dhalooyin gaas ku jira si uu u qarxo balse boolisku ay ka hortageen intaanu qarxin.

Afayeenka Jaaliyada Soomaalida Austaralia ee ku nool ismaamulka Victoria ee dalkaasi Sharmaarke Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in ay falkaasi aad ay kaga xunyihiin hadii ay yihiin Sooomaalida dalkaasi.

"Waxaynu nahay qeyb kamid ah bulsha weynta dalkaani Australia, Soomaalida dalkaan ku nool waa dad nabada jecel oo markoodii horeba nolol wanaagsan dalkaani kasoo raadsaday laakiin hal qof oo soomaali ah dhibta uu geystay ma loo eedeynayo Soomaalida wanaagsan ee dalkaani waxaana tacsi u direynaa ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii waxuushnimada ahaa” ayuu sheegay Sharmaarke Faarax.

Badi Soomaalida qurbo joogta ah ayaa la kulmo faquuq iyo midab takoor markii ay dhacdo in qof kamid ah Soomaalida u qaxday dalalka reer galbeedka uu geysto sidaan oo kale weeraro argagxiso waxayse u muuqataa in iminka Soomaalida Australia ay ka gaashaamanaayaan faquuqaasi.

KOOX HUBEYSAN OO ASKAR KU DISHAY DULEEDKA MUQDISHO

Kooxo hubeysan oo watay Gaari yar ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii shalay illaa 3 ruux ay ku dileen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Saddexda ruux ee la dilay ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen Askar ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, halka ruuxa sadaxaadna aan la’ogeyn waxa uu ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib.

Dhinca ka kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad kale oo isugu jiray Askar iyo shacab oo soo Aasayay Meydka ruux daraad ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu rasaaseeyay waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose

Gawaari ay la socdeen dadkani oo marayay aggaarka deegaanka Xaawa Cabdi ayaa la sheegay in Jidka loo galay, kadibna rasaas lagu furay.

Lama oga illaa iyo hadda tirada saxda ah ee ku dhintay, kuna dhaawacamay dhadcdadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jira weeraro dhaba gal ah iyo dilal qorsheysan intaba.


WASIIRKA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADA EE HIRSHABEELLE OO KORMEERAY GAROONKA DIYAARADAHA EE BELEDWEYNE

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista 2-3Hawada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa kormeer howleed ku tegay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne iyo goobo kale.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Rooble oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka kormeerkiisa ay la xiriirtay sidii uu ugu kuurgeli lahaa howlaha ka socda garoonka, waxaana uu intaa ku daray inay kulamo la qaateen madaxda.

Wasiirka Gaadiidka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xusay inay qiimeyn ku sameyn doonaan meelaha muhiim ku ah isu socodka gaadiidka iyo kuwa duulimadyada ah.


UHURU KENYATTA: "CIIDAMADA KENYA WAA SII JOOGI DOONAAN SOOMAALIYA , ILAA IYO INTA AMMAANKA LA SOO CELIN DOONO..”

Madaxwaynaha Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii sheegay in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa iyo inta ammaanka la soo celin doono inkastoo miisaaniyadda hoos u dhigtay bilawga bilawgii askarta ay ka baxayaan dhammaadka July.

Si kastaba ha ahaatee, magdhawga Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu hoos u dhaco K1million iyo Ksh3.5 bilyan ee labada sano ee soo socota ilaa bisha Juun 2015, taas oo muujinaysa hoos u dhigidda si tartiib tartiib ah ee ciidamada.

"Si loo ilaaliyo Kenya iyo gobolkeenna, ciidamadeennu waxay sii wadi doonaan hawlgallada wadajirka ah ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom),” ayuu yiri Kenyatta.

Kenya ayaa 4,660 askari u dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar 2011 ka dib markii weeraro aan toos ahayn iyo afduub loo geystay dad rayid ah oo ka yimid xuduudaheeda.

Midawga Afrika wuxuu doonayaa dhammaan ciidamadii ay ka baxeen Bishii December 2020, laakiin Kenya waxay doonaysaa in dib loo dhigo dib u dhac.

Al Shabaab waxa ay Kenya ku soo qaadaa weeraro isdaba joog ah, inta badan gobolka gobolka ee la xariira Soomaaliya, si ay cadaadis ugu saaraan dawladda Kenya in ay ciidamadeeda nabad ilaalinta ah ka baxdo Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa doonaya in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka dalka.

Bulshada caalamku waxay bixisaa $ 1,028 (Sh103,828) askari kasta bishiiba, dawladahooda kala duwan ayaa markaa ka jaraan qiyaastii $ 200 (Sh20,200) kharashaadka maamulka, iyaga oo ka tegaya guriga $ 800 (Sh83,628).

BOGGA CAYAARAHA

MOURINHO OO KA WARBIXIYAY GO’AANKIISA KAGA AADAN KA QEYB GALKA ROMELU LUKAKU KULANKA MANCHESTER DERBY

Romelu Lukaku ayaa seegay saddexdii kulan ugu dambeesay ay ciyaartay kooxda Manchester United, Red Divalis ayaana guuleesatay dhamaan kulamada uu ka maqnaa Lukaku.

Weeraryahanka reer Belgium ayaan ku bilaabanin xili ciyaareedkan si wanaagsan sida xili ciyaareedkii hore oo kale, mana uusan lahayn sidoo kale waxtar gooldhalineed.

Red Devils ayaa tan iyo inta uu ka maqnaa weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku waxay guulo ka gaartay kooxaha Everton, Bournemouth iyo Juventus.

Dhaawac uu qabay ayaa laga yaabaa inuu sabab u ahaa maqnaanshaha Lukaku ama ay suuragal tahay in Mourinho uu ku cadaadinayo laacibkan maadaama qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhac weyn ku yimid.

Laakiin kahor kulanka Manchester derby ee soo socda Mourinho ayaa la weydiiyay suurtogalnimada uu Romelu Lukaku kaga qeyb gali karo kulankan wuxuuna yiri.

"Wuxuu ka qeyb galay tababarkii shalay, laakiin haddii jawaabtiisu ay tahay mid wanaagsan, wuu ka qayb qaadan karaa kulankan”.

MAN CITY VS MAN UNITED: DHAADHEERKA VS GAAB-GAABYADA….(AQRISO XOGTAN KA HOR KULANKA BERITO EE MANCHESTER DERBY)

Manchester United ayaa berito Etihad Stadium kula balansan dariskooda Manchester City kulan xiiso gaar ah leh.

Macluumaad ay soo ururisay The Times ayaa sheegaya in xiddigaha safka hore ee Manchester United xilli ciyaareedkan ay yihiin kuwa ugu dhaa dheer horyaalka Premier League iyagoo isku cel celis dhirirkooda lagu sheegay 6ft 1.5in, waxayna kaalinta koowaad ku garaaceen kooxaha Watford iyo Huddersfield.

Halka safka hore ee Man City ee xagaagan lagu sheegay kuwa ugu gaa-gaaban horyaalka oo waxay xitaa inyar ka hooseeyaan kooxaha Arsenal, Bournemouth, Liverpool iyo Cardiff.

Inkastoo waxa la ciyaarayo aysan ahayn Basketball misane Jose Mourinho ayaa rajeenaya in dhiririkooda uu ugu yaraan wax uun u keeno.

Tokeo la picha la TALL ORDER Manchester City vs Manchester United: Derby pits Premier League’s tallest and smallest against each other

Labada koox ayaa ciyaara Taak-tiko gabi ahaan kala duwan.

Kooxda Guariola ayaa ciyaarta kubbad isku dhiib dhiib ah oo xawaare iyo cadaadis ku dhisan, Halka xarfaanta Jose Mourinho ay isku dayaan inay kulanka ku xukumaan xoogooda oo waxay ciyaareen ciyaar jir ahaan ku dhisan iyagoona kubbad toos ah la wadaaga muruq waynta weerarka kaga ciyaarta.

Daafaca Aymeric Laporte ayaa ah xiddiga ugu dheer Manchester City 6ft 3in oo waxay isku dhirir yihiin Lukaku iyo Pogba.Waxaana Cajiib ah in labadaan xiddig aysan xitaa ka mid ahayn saddexda ugu dhaa dheer safka Red Devils oo waxaa ka horreeya Nemanja Matic, Marouane Fellaini iyo Chris Smalling.

JAVIER ZANETTI OO KA CAREYSIIYAY KOOXDA JUVENTUS KAHOR MAALIN KULANKA AC MILAN

Javier Zanetti ayaa sheegay hadal si weyn kaga careysiiyay kooxda Juventus kahor maalin kulanka la wada sugayo ay kooxda AC Milan ku booqan doonaan garoonka San Siro.

Zanetti ayaa u xaqiijiyay jamaahiirta in Inter Milan ay garaaci karto Juventus, islamarkaana wuxuu sidoo kale amaanay shaqada weyn uu qabtay tababare Luciano Spalletti.

"Hadafkaynu waa inaan waqti walba la kulano taageerayaasha, gaar ahaan kuwa jecel horumarka kooxda Inter Milan”.

"Waxaan la dagaalameynaa dhamaan kooxaha, Inter Milan waxay awood u leedahay inay garaacdo koox kasta xitaa hadii ay timaado Juventus”.

"Bilawga bisha December, waxaan ku rajo weynahay inaan helno natiijooyin wax ku ool ah, sababtoo ah shaqada Luciano Spalletti ayaan raali ku nahay”.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE NOVEMBER 10

Cardiff City 2 - 1 Brighton & Hove Albion

Huddersfield Town 1 - 1 West Ham United

Leicester City 0 - 0 Burnley

Newcastle United 2 - 1 AFC Bournemouth

Southampton 1 - 1 Watford

Crystal Palace 0 - 1 Tottenham Hotspur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip