Fadumo Dayib Oo Shaacisay Inay Takoor Uga Tagtay Shaqadii QM Ee Soomaaliya

0
Sunday November 11, 2018 - 09:10:20 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadumo Dayib Oo Shaacisay Inay Takoor Uga Tagtay Shaqadii QM Ee Soomaaliya

    Murashax madaxweyne hore, Fadumo Dayib, ayaa daboolka ka qaadday sababta ay uga rukhseysatay shaqadii ay QM uga heysay Soomaaliya. Waxa ay sarkaal jumciyadda qurumaha ka dhaxeysa ka tirsan ku eedeysay Soomaali Takoor. Qoraallo is-dabajoog ah oo ay s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashax madaxweyne hore, Fadumo Dayib, ayaa daboolka ka qaadday sababta ay uga rukhseysatay shaqadii ay QM uga heysay Soomaaliya. Waxa ay sarkaal jumciyadda qurumaha ka dhaxeysa ka tirsan ku eedeysay Soomaali Takoor. Qoraallo is-dabajoog ah oo ay soo dhigtay tirsigeeda Twitter-ka ayey haweeneydan Soomaali-Finishka ah waxa ay saraakiil sare oo QM ah ku eedeysay dhaqan Takoor oo ka dhan ah Hawlwadeennada Soomaalida ah ee UN-ta. "Waxa aan ahaa Soomaaligii ugu horreyay ee laga dhigo Agaasime wadanka oo dhan. Aniga oo gudanaya shaqadeydii Soomaaliya ayaa la ii sheegay in aan Soomaalida loo oggoleyn jagada ceynkaas ah. Af xumo, Argagixin iyo Naceyb ayaa la igu sameeyay. Sannad iyo lix bilood ayaan dhibtaas ku jiray iyadoo sidaas la iila dhaqmayo" ayey qoraalkeeda ku tiri, Fadumo Dayib.

Waxa ay weerartay, Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee QM, ahna isku duwaha Hawlaha Bani-aadamnimo ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu ka dambeeyay ciifadeedii QM.

"Iyadoo qarsoodi ah, ayuu De Clerq I aflagaadeyay, Ii goodiyay, Ina Argagixiyay. Iyadoo uu dhaqdhaqaaqa Hal ku dhiggametoouu socdo caalami ahaan ayey si aan laga warqabin dumarka ka tirsan QM la kulmayaan Qarawgaas oo kale. Waxaa la gaaray waqtigiimetoo UN-‘Anna sidoo kale QMdhexdeeda laga sameyn lahaa’. Ugu dambeyntiina wan qarxiyay shaqadana bishii la soo dhaafay ayan ka tegay” ayey qortay, Fadumo Dayib.

"Tani waa Soomaaliya, si la mid Soomaalida kale ee heysta jagooyinka takhasuska ah ee caalamka ayaa sidoo kale loo sheegay inay si nidaamsan ku banneeyaan. Waxa aan leenahay dhalashooyin kala duwan, dambigeenna kaliya waxaa weeye Isirkeenna. Kolka yaa la cunsuriyeynayaa?” ayey raacisay.

"Sida muuqata qofka Soomaaliga ah, dhowrsanaanta dhaqanka Isirkiisa ayaa ah Argagixiso, si dhuumaleysi ah ayuu dowladda ula shaqeeyaa , waa musuqle, dhanna u janjeera. Waxa ay sidoo kale dhigi lahaayeen astaan leh, "Soomaalida iyo Eeyaha looma ogola”.Tani waa Soomaaliya Jasuureyn”ayey qortay Fadumo Dayib.

"Sidaas awgeed, waa maxay Cunsuriyad? Yaa Cunsuri ah? Marka Xoghayaha guud ee QM la weydiiyay haddii Soomaali jago caalami ah ka heli karto Soomaaliya , waxa uu yiri, HAA.. inkastoo aysan halkaas ku dhalan oo aysanna heysan dhalashada Soomaaliya. Sida iska cad De Clercq si kale ayuu u fakerayaa” ayey tiri Dayib.

"Waxaa jira boqollaal kale oo sidan mudanaya, mana awoodaan inay ka hadlaan. Wey cadahay waxa aan ahaa kaas oo kale, Daciif Soomaalidii ayaad wax u qabatay intii aad la qaban lahayd. Waxa aan ahaa Adoonkaas u bareeray inuu miis la fariisto Mudanaha iyo qoyskiisa.” Ayey raacisay.

Sida ay sheegtay Faddumo Dayib, isla shaqadi ay heysa oo kale ayaa looga bandhigay wadamo kale , sida; Uganda, New York ama Nairobi laakin wey ku gacan seyrtay.

Soomaali badan ayaa Barta Twitter-ka toos u soo galay kadib shaacinta xogta. Sida hoose ayeyna wax uga qoreen:-

"Geesiyad baad ku tahay in aad ka hadashay, waa arrin la daboolay. Waxa ay tahay in laguugu karaameeyo ayaa ah in aad waxbaratay, oo aad guryo-noqotay si aad ugu adeegto wadankaaga, taasoo ah waxa ay hay’aduhu ka shaqeynayaan inay ka hortagaan, ahna mid ka mid ah sababaha ay Soomaliya walina usoo kabsan” ayey tiri Anisa Xaaji Muumin, wasiirad ka tirsan Puntland.

Mohamed Ingiriis ayaa qoray, "Muqdisho, dhawaantan intii aan sameynayay cilmi-baaris goobaha shaqada ah, xildhibaanad ayaa ii sheegtay in de Clercq uu uga digay inaysan dooran murashax gaar ah doorashadii madaxtinimo ee 8 February 2017. Iyadoo laga duulayo caddeyntan cusub, waxa aan u jeedin lahaa madaxa QM ee fadhigiisu yahay New York inuu baaro faragelinnadan”

"Kadib markii, Xafiisyada dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee caalamka loo soo wareejiyay Soomaaliya, tallaabada xigto ayaa ah in wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasaaradda arrimaha shaqada,ay qaadaan tallaabada xigta oo lagu xaqiijinayo in shaqooyinka ay ka bixi karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay buuxiyaan, Waxa ay la kulantay Fadumo Dayib waa inay noqdaan digniin” ayuu qoray Dalmar Hassan.

Fadumo Dayib ayaa gashay tartanka doorashada Madaxtooyada Soomaliya 2016, balse goor dambe ayey isaga hartay, iyadoo sheegtay in doorashadu tahay mi aan caadi ahayn.

Faduma Dayib oo ah 46 jir, goor dambe ayaa loo magacaabay maamulaha QM Arrimaha haweenka ee dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip