Turkiga Oo Codadka Laga Duubay Dilka Khashuqji La Wadaagay Sacuudiga Iyo Mareykanka

0
Saturday November 10, 2018 - 19:32:53 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Codadka Laga Duubay Dilka Khashuqji La Wadaagay Sacuudiga Iyo Mareykanka

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay codad duuban oo caddey u ah dilka Khaashuqji loo geystay inuu la wadaagay Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Waddama kale. Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale ku celiyey hadalkii ahaa Sacuudi Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay codad duuban oo caddey u ah dilka Khaashuqji loo geystay inuu la wadaagay Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Waddama kale. Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale ku celiyey hadalkii ahaa Sacuudi Carabiya iney ogtahay cidda dishay Jamaal Kaashuqji. Khaashuqji oo ahaa qoraa si weyn u dhaleeceeya hoggaanka sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa 2-dii October lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Sacuudiga ayaa waxuu aqbalay in qunsuliyaddiisa lagu dhex dilay Khaashuqji, balse waxay diidday dilkiisa iney ku lug leedahay boqortooyada.

Riyadh waxay horay u sheegtay isaga oo nabad qaba inuu qunsuliyadda uu ka daneystay uuna ka baxay inkasta oo ay marki dambe qiratay.

Sacuudiga ayaa wuxuu sida oo kale uu ka gaabsaday inuu ka hadlo hadalki ka soo yeeray dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxammed Bin Salmaan ee ahaa Khaashuqji inuu ahaa muslin xag jir ah.

2 Oktoobar

Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsan yahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaartay goor dambe oo galabti ah.

Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaari dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka

Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khaashuqji ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa

Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Gawaari ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda

Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga

3 Oktoobar – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda

4 Oktoobar – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda

7 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khaashuqji lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas’uuliyiinta Sucuudiga.

13 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa laanta afcarabiga ee BBC-da u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa horay u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah

15 iyo 17-18 Oktoobar – Baareyaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baaritaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda

19 October – Telefishinka Dowladda Sucuudiga ayaa soo tabiyay in baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ay muujiyeen in Jamaal Khaashuqji uu ku dhintay gudaha qunsuliyadda. In labo sarkaal oo sar sare laga eryay shaqada islamarkaana boqor Salmaan uu ku dhawaaqay in la sameeyo guddi heer wasiirro ah oo dib u habeyn ku sameeya waaxda sirdoonka.

20 October – Saraakiisha Turkiga ayaa wacad ku maray iney shaaca ka qaadi doonaan caddeymo ku saabsan dilka

21 October – Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in arrintu ay ahayd "howlgal khaldamay” wuxuuna beeniyay in amarka "dilka” uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada.

Waxay sheegeen in ay xireen 18 ruux, shaqadana ka eryeen labo sarkaal oo ka mid ahaa dadka u dhow Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale waxaa la dhisay guddi dhaxal sugaha ka hoos shaqeynaya oo dib u habeyn ku sameynaya maamulka waaxda sirdoonka ee dalka Sacuudiga.

Boqor Salmaan iyo amiir Maxamed ayaa labaduba waxay taleefan ka waceen wiilka uu dhalay Jamaal Khaashuqji oo lagu magacaabo Salah, waxayna uga tacsiyeeyeen geerida aabihiis.

Saalax Khashoqji ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, haweeneydii uu damacsanaa Khaashuqji inuu guursado, Hatice Cengiz, oo u dhalatay Turkiga isla markaana ahayd qofkii ugu horreeyay ee soo tabiya maqnaanshihiisa ka dib markii ay dhowr saacadood sugeysay, ayaa loo sameeyay ciidamo boolis ah oo 24 saacadood ilaaliya, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Sidey dunidu uga fal celisay dhacdadan?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Sabtidii wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in been badan ay ku jirto sharraxaadda Sucuudiga.

Trump ayaa xoojiyay suurtagalnimada in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga.

 

Hase ahaatee joojinta qandaraaska hubka ayuu ku tilmaamay "mid mareykanka gaarsiineysa qasaare ka badan midka ay gaarsiineyso Sucuudiga”.

Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan naxdinta ay ka qaadeen dhimashada waxayna codsadeen in sharraxaad buuxda la siiyo.

Hase ahaatee dalal dhowr ah oo Sacuudiga ay xulafo yihiin ayaa taageero u muujiyay boqortooyada khaliijka.

Dowladda Kuwait ayaa boqor Salmaan ku ammaantay sida uu ula tacaalay kiiskan, halka dowladaha Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna sidaas oo kale u garab istaageen Sucuudiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in "run qaawan” uu shaaca uga qaadi doono khudbad uu maalinta Salaasada ah ka jeedin doono baarlamaanka.

Xaggeey baaritaannadu hadda marayaan ?

Inkastoo ay dowladda Turkiga xoogaa hakisay eedeyntii tooska ahayd ee ay dilka ugu jeedineysay Sucuudiga, haddana baareyaasha ayaa sheegay iney hayaan cadeyn maqal iyo muuqaal ah oo la xiriirta in dilka Khaashuqji ay qunsuliyadda dhexdeeda ku fuliyeen koox Sucuudi ah oo loogu tala galay iney dilalka fuliyaan.

Booliska ayaa baaritaan ka sameeyay keymaha u dhow goobtaas ee magaalada Istambul, waxayna aaminsanyihiin in meydkiisa lagu tuuray aagaas ayna heli doonaan "mar aan dheereyn”.

Dhismeyaasha qunsuliyadda iyo hoyga qunsulka ayaa labadaba baaritaanno lagu sameeyay.

Dacwad oogeyaasha Turkiga ayaa su’aalo weydiinayay shaqaalaha maxalliga ah ee Qunsuliyadda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Axadii ku warrantay in sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay in Khaashuqji la dilay ka dib markii uu diiday isku day lagu doonayay in dib loogu celiyo dalkiisa.

Meydkiisa oo la burburiyay ayaa markaas ka dib loo dhiibay shirkad maxalli ah oo la shaqeysa qunsuliyadda, si loo tuuro.

Sarkaal Suciidi ah ayaa xirtay dharkii Khaashuqji wuxuuna ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip