Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ku heshiiyay xoojinta nabadgalyada iyo iskaashiga dhaqaalaha

0
Saturday November 10, 2018 - 19:00:21 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ku heshiiyay xoojinta nabadgalyada iyo iskaashiga dhaqaalaha

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay
magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah.


Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal.

Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho. ==DHAMMAAD==


DSC 0722
BE2I5340
BE2I5568
BE2I5432
BE2I5660
BE2I5683
BE2I5702


BE2I5841
BE2I5827

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip