Libaaxyo lagu eedeeyay boqollaal lo' giisi ah oo qarqamay

0
Saturday November 10, 2018 - 10:38:05 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libaaxyo lagu eedeeyay boqollaal lo' giisi ah oo qarqamay

    Boqollaal lo' giisi ah ayaa ku qarqamay wabi ku yaalla xadka Botswana iyo Namibia. Baaritaanno hordhac ah ayaa tilmaamaya in libaaxyadu ay dhanka wabiga u eryadeen lo' giisida oo wada socota ayna ku daateen wabiga, sida ay masuuliyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqollaal lo' giisi ah ayaa ku qarqamay wabi ku yaalla xadka Botswana iyo Namibia. Baaritaanno hordhac ah ayaa tilmaamaya in libaaxyadu ay dhanka wabiga u eryadeen lo' giisida oo wada socota ayna ku daateen wabiga, sida ay masuuliyiinta Botswana sheegeen. Nin huteel ku leh aagaas ayaa BBC-da u sheegay in ay u muuqato in ay markaas ka dib lo'du ku xayirantan wabiga dhankiisa kale oo gabi dheer lahayd, markaas ka dibna ay argagaxeen oo is buurteen. Horay uma uusan maql tiro intaas la eg oo lo' giisi ah oo horay u qarqantay.

Lo' giisiLahaanshaha sawirkaSERONDELA LODGE Image captionDadka deegaanka ayaa ku soo toosay boqolaal lo' giisi oo ku dhintay wabiga Chobe River

Dawladda Botswana waxay qiyaasaysaa in ay dhinteen 400 oo lo giisi ah.

Dadka ku nool aagaas ayaa hilibkii qaybsaday si ay guryaha ugu karsadaan.

Wabiga ayaa mari beerta xayawaanka ee Chobe National Park, halkaas oo ah goob caan ku ah dalxiiseyaasha waxaana jooga maroodiyo badan, gari, lo' giisi iyo xayawaanno kale.

Simone Micheletti oo huteel ku leh qaybta Namibia ee wabiga ayaa sheegay in lo'du ay aad u badnaayeen caadiyanna ay markii hore 1,000 u wada socon jirtay.

Sawirradan ayuu goobtaas ka qaaday.

BuffaloesLahaanshaha sawirkaSERONDELA LODGE
BuffaloLahaanshaha sawirkaSERONDELA LODGE

Micheletti ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlayay reenka libaaxyada habeenkii talaadada. Markii uu wabiga tagayay Arbacadiina uu arkay boqolaal lo' giisi ah oo dhintay.

Wuxuu intaas ku daray in uu cirku daruuro lahaa habeenkii talaadada sidaasna uu dayaxa ku qarsoomay, taas oo ka dhigan lo' giisudu aysan waxba arki karin.

Presentational grey line
Woman holding buffalo legLahaanshaha sawirkaSERONDELA LODGE
People holding buffaloesLahaanshaha sawirkaSERONDELA LODGE
People on river bankLahaanshaha sawirka
XIGASHO BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip