QM oo si adag u cambaareysay qaraxyadii Shabaab ay ka weerareen Hotelka Saxafi

0
Saturday November 10, 2018 - 10:35:24 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo si adag u cambaareysay qaraxyadii Shabaab ay ka weerareen Hotelka Saxafi

    Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeyso afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin weerarkii shalay galab ee qaraxyada is xig xigay loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeyso afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin weerarkii shalay galab ee qaraxyada is xig xigay loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada Soomaaliya.

Afhayeenkani oo magaciisa lagu sheegay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayka tacsiyeeyay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay weerarkaasi waxa uuna sheegay in QM ay dowladda dhexe ee Soomaaliya kala shaqeyn doonto la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay kooxda argagixisada ah ee Shabaab sida uu sheegay.

"Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa inoo soo gudbiyay warbixinta weerarkani qaraxyada ku bilowday waxaana ay inoo xaqiijiyeen in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee Hotel Saxafi deetana ay xigtay rasaas la maqlay iyo qaraxyo kale oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba geystay.” Ayuu yiri afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay Farhan Haq.

Isla maalinimadii shalay ee qaraxu ka dhacay caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Raisedon Zenenga, isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay in ay sii dardargelin doonaan taageerada dowladda dhexe si buu yiri looga hortago ama loo yareeyo weerarada Shabaab ay ka gaystaan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay qaraxyo xoogaan ka geystaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip