HALKAAN KA AKHRISO :-WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 10-KA NOVEMBAR 2018-KA
`Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Mudane Abiy Axmed.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhan ka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabs iga saddex geesoodka ah.
"Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyago ona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”
Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka miradhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.
Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalalka Gobolka, xoojinta iskaa shiga iyo wax wada qabsiga, dariswanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka. DHAMMAAD
DIYAARADDA ITOBIYAAN AIRLINES OO MUQDISHO KASOO DEGTAY 41 SANO KA DIB
Shirkadda Diyaaraddaha Itobiyaan Airli nes ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyay ee gancsi ah shalay ku timid magaalada Muqdisho 41 sano ka dib.
Duulimaadkan oo dhawaan uun hindisahiisa la shaaciyay ayaa si wayn looga dhursugayay.
Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa sannadihii u dambeeyay ka shaqaynaysay magaalada Muqdisho.
Dadka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qaba duulimaadyadda Caalamiga, waxaana Muqdisho Shirkad Caalami ah oo dhanka duulimaadka ah oo ka howlgasha ka jira Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish.
Inta uusan sannadkan dhamaaninna waxaa la filayaa in shirkadda diyaaraha ee Kenya Airways ay billawdo in ay safaro toos ah ku tagto magaalada Muqdisho.
Marka uu tartankaasi batana waxaa la filayaa in ay riqiisaan tikidhada duulimaadyada caalamiga ah oo hadda qaali ah.
XIL.DALXA OO BAAQ U DIRAY XILLDHIBAANNADA BAARLAMANKA KOONFUR GALBEED
Xilldhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedalka ka curtay degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Dalxa, oo u waramay Idaacadda Shabelle ayaa ugu baaqay Sharcidejiyaasha dowlad goboleed kan inay doortaan hoggaan wanaagsan, kaasi oo samata bixin kara maamulka, oo uu marajaha u hayey Shariif Xasan oo xilka ka degay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata Xildlhibaan Dalxa oo Aqalka Hoose ku metala Koonfur Galbeed wuxuu uga digay inay doortaan hogaamiye kale, kaasi oo ay uga shalaayaan Madaxwaynihii xilka ka tagay.
Doorashad Koonfur Galbeed oo ah mid xasaasi, ayna ku tartamayaan Mur ashaxiin kala duw an oo mug iyo miisaan ku leh siyaasada dalka ayaa waxaa lagu wadaa inay qabsoonto 17ka bishaan November.
XABAALWADAREEDYO LAGA HELAY SOHDINTA OROMADA IYO SOOMAALIDA
Booliska ayaa ku dhawaaqay inay ka heleen Xab aalwadareedyo sohdinta kala qa ybisa gobolka Soomaalida iyo Orom ada ee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.
Hay’addaha nabadgelyadda ayaa shaac iyay inay ku dadaalayaan sidii ay uheli lahaayeen maga cyadda, jinsiyada iyo tafaasiil dheeri ah oo la xiriira meydadka laga soo saarey Xabaalwadareedyada oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 200.
Warbaahinta maxaliga ah ee wadanka ayaa ku warantay in ehelada Xabaalwadareedyadani ay kusoo aadeyso xili ay socoto dacwad ka dhan ah Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Ilay].
Cabdi Ilay ayaa loo haystaa inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana la filayaa inuu kasoo hormuuqdo maxkamad si uu u wajaho cadaalada xili uu dhowr jeer la horgeeyay.
`Madaxwaynihii hore ee degaanka ayaa ku eedaysan abaabulka Rabshado, isku dhacyo qowmiy adeed oo khasaaro dhaliyay iyo ku tagri fal awoodeed xili uu iscasilay bishii Agoosto ee sanadkaan 2018.
Helitaanka xabaalwadareedyada ayaa wajihi cusub u yeeli karta dacwada ka dhanka Cabdi Max amed Cumar, kaasi oo dhinac isaga leexiyay dhamaan eedaynta loo haysto, inkasta oo dacwadooga yaashu ku adkeysanayaa inuu dambiga galay.
BAAR MARAYKANKA KU YAALLA OO LA WEERARAY
Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan warar sheegaya rasaas lagu furay baar ku yaalla gobolka California ee dalka Maraykanka.
Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay baarka Borderline Bar and Grill balse ma cadda in ay dad ku dhinteen.
Muuqaal laga baahiyay warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad laga sii wado goobta uu shilku ka dhacay, kuwaas oo ay u badan tahay in ay dhaawacyo xabbad qabaan.
DIYAARAD SIDDAY DHALLINYARO BADAN OO SHALAY KA SOO DEGTAY MAGAALADA HARGEYSA
Diyaarad siday 41 dhalinyaro ayaa shalay oo Jimco ah dib loogu soo celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Dhalinyaradan oo mid keliya ay tahay gabar ayaa waxaa laga soo celiyay dalka Libya, halkaasi oo ay doonayeen inay uga sii gudbaan dalalka Yurub.
Dhalinyaradan ayaa in lagu soo celiyo magaalada Hargeysa waxaa iska kaashaday Somaliland iyo Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.
Markii ay ka soo degeen garoonka ayaa dhalinyaradan waxaa qofkiiba la siiyay 100$, iyada oo intaas kadib loo balan qaaday Lixda bil ee soo socota in qof walba uu heli doono 200$.
Masuuliyiinta Somaliland ee dhalinyaradan soo dhaweeyay ayaa sheegay in qof walba oo muwaadiniintan ka mid ah loo maalgelin doono shaqo abuuurka uu sameysto mudo ku siman Lixda bil ee soo socota.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawr mar sidan oo kale waxaa M/Harg eysa loogu soo celiyay dhalinyaro laga soo celiyay dalka dibadiisa.
FAAHFAAHINO KASOO BAXAYA SOOMAALI WEERAR KA GEYSTAY AUSTRALIA
Nin dhalinyaro Somali Australian ah oo la aaminsanyahay in uu ka tirsanyahay Daacishta ka dagaalanta Syria ayaa weerar loo adeegsaday Mindi ka geystay Magaalada Melporn ee dalkaasi Australia.
Booliska dalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaasi oo magaciisu lagu sheegay Xasan Khalifa Shire oo 30 sano jir ah in uu midi uu watay uu ku waxyeeleeyay ilaa 4 ruux oo taagnaa hareeraha wado ku taallo bartamaha Magaalada Melporn ee dalkaasi.
Waxa kale oo ay sheegeen in uu damacsanaa in gaari uu kasoo buuxiyay gaas iyo dhalooyin in uu qarxiyo balse Boolisku ay ka hortageen intaanu falkaasi geysan oo ay toogteyn booliska.
Sarkaal u hadlay Booliska dalkaasi ayaa saakay warbaahinta la wadaagay in Ninkaani Paspp orka dalkaasi ay kala laabteen 2015 ka dib markii ay fahmeyn in si uun uu u taageero kooxda daacish.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADA SHAY QARAXYADII KA DHACAY MUQDISHO
Kusimaha Madaxweynaha JFS Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Md. Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii Shalay ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan hotel ka Saxafi ee M/Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
"Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha JFS waxaan cambaa reynayaa falkii argagixisinimo ee shalay dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Gudd oomiyaha Golaha Shacab ka.
Kusimaha Madaxweynaha JFS Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxdan ay caadeysatay dhii ga Shacabka Soomaaliyeed islamarkaa na ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsad aan goobaha ay dadka isugu yimaada an,wuxuuna tusaale usoo qaatay weer arkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadk an ay shalay dadka Shacabka ah ku xasu uqeen ayna kooxdan geysteen iya doo ay tahay maalin jimcaha kana duwan maalmaha kale ee Alle sidoo kalena ah maalin ciideed.
Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah ,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto.
"Waxay dad Shacab ah qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maal maha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeedugu baaqayaa in ay u mid oobaan la dagaalanka kooxaha Argagixi sada ah” Ayuu yiri Kusimaha Madaxwey naha Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
MAREYKANKA OO XAYIRAAD KU SOO ROG AY SHAKHSIYAAD U DHASHAY RUUSH KA
Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado dheeraad ah ku soo rogtay dhawr qof iyo ururro lala xiriirinayo tallaabadii Ruushku uu u goostay gobolka Crimea sanadkii 2014.
Laba qof oo reer Ukraine ah iyo mid Ruushka u dhashay ayaa xayiraadahani cusub lagu bartilmaame edsaday.
Sidoo kale sagaal shirkadood oo kale oo laga leeyahay waddamada Ruushka iyo Ukraine ayaa iyana xayiraado lagu soo rogay.
Shirkadahaasi waxaa ka mid ah hoteel uu maalgeliyay bangiga ugu weyn dalka Ruushka.
`Mas’uul ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda dhexe ee Ruushka ayaa isag una lagu bartilmaameedsaday xayiraada han Mareykanka.
Saraakiisha dalka Mareykanka ayaa shee gaya in shirkadahani iyo shakhsiyaadka xayiraadda lagu soo rogay ay ka macaa shayaan qabsahada ay xukuumadda Moscow qabsatay gobolka Crimea.
Xayiraadahan cusub ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in magaalada Paris ee dalka Faransiiska ay ku kulmaan madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.
Weriyaha BBCdam ee Washington ayaa sheegaya in tallaabadani uu Mareykanka qaaday ay ku soo beegmeyso xilli madaxweyne Trump lagu dhaliilayo in uu aad ugu debacsan yahay dowladda Ruushka marka loo eego maamulkiisa.
DABEYLO HOLAC WATA OO KU DHUFTAY GOBOL KA MID AH MAREYKANKA
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Kumannaan qof laga saaray Waqooyiga California iyadoo dabeylo holac wata oo keymaha ka kacay ay ku wajahan yihiin dhowr magaalo oo ku yaalla buuralleyda Sierra ee dalka Mareykanka.
Maamulka Gurmad deg deg ah ayaa sheegay in Dabkan oo daraad ka kacay meel u dhow Camp Creek, ay sii huriyeen dabeylo xooggan iyo keymaha oo qallalan.
Magaalooyinka deriska la ah, iskuullada iyo isbitaallada ayaa dadka laga saaray, iyadoo qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Paradise ay ku xayiran yihiin meesha.
Maamulka gobolkaasi ayaa sheegay inay jirto khasaaro ka dhalatay dabkaasi.
Sida ay werisay warbaahinta gudaha Jawiga dabeylaha ayaa gaaray 50mph (80km/h), waxayna taas sababtay in holacu uu muddo saacado yar gudahood ku gaaro meelo badan, dadka qaarkood ayaa ku qasbanaaday inay ka tagaan gawaaridooda ayna lug ku baxsadaan.
XILDHIBAANO KA DIGAY XILKA QAADISTA DEG DEGA AH EE MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN
Mudo dhowr bilood ah gudaheed ayaa waxaa isbedel kala duwan lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan xilka qaadistaas oo qaarkood xiisad ka dhex abuurtay mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle ayaa waxa ay sheegeen in Wasaaradda arrimaha Gudaha looga baahan yahay inaysan ku deg deign xilka qaadista,isla markaana Shaqsi xilka laga qaadayo laga fikiro.
Mid ka mid ah Xildhibaanada HirShabelle ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulkaas in mas’uulkii la soo dacweeyo aanan lagu deg deign,basle la sameeyo guddi baara,isal markaana ogaada waxyaabaha lagu eedeynayo.
Mas’uulyiin dhowr ah oo ka tirsan Maamulka HirShabeelle ayaa xilka qaadistooda waxa ay sababtay xiisad dhalisay inay hakad galaan howlihii Shaqo ee Maamulka Gobolka Hiiraan.
QARAX LALA EEGTAY CIIDAMO AMISOM KA TIRSAN
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM shalay Qarax lagula eegtay meel u dhow Garoonka Diyaar adaha Magaalada Jowhar.
Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidanka AMISOM, sida ay ku warameen goobjoogayaal.
ciidanka qaraxa lala eegtay oo ka yimid degaanka Buurane ayaa waxa ay qaraxa kadib rideen rasaas fara badan oo loo maleynayo inay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxan, marka laga reebo gaariga ka gubtay.
Ciidamada AMISOM ayaa gaariga ka gubtay u jiitay dhanka Magaalada jowhar oo ay ku leeyihiin fariisin ciidan, waxayna halkaasi ka bilaabeen hawlgal amni xaqiijin ah.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay ku daba jiraan raggii weerarkan ka dambeeyay oo ay tilmaameen inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
MD KENYA OO WAR KASOO SAAREY CIIDA MADA KA JOOGA SOOMAALIYA
Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga wadankiisa gudaha Soomaaliya ay baaqi kusii ahaan doonan inta amniga dalka dib loogu soo celinayo.
Kenyatta oo ka hadlayey Dugsi tababar ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay Qaram ada Midoobay ay ka helaan lacago magdhow ah, kuwaasi oo la siinayo qoysaska wiilashooda ku baxay iyaga oo Soomaaliya ku sugan.
Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in caqabado kala duwan oo dhanka maaliyadda ay soo foodsaari doonto ciidamada wadankiisa ee qaybta ka ah AMISOM, balse wuxuu ugu baaqay inaanu udhutin.
Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka badan Afar kun waxay usoo dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011kii si ay ula dagaalamaan kooxda AlShabaab oo fara kulul ku hayso amniga wadankaan Geeska Afrika dhaca.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay dalka isaga hayaamaan sanadka 2020ka, markaasi masuuliyada nabadgelyadda guud la filayo in lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed oo diyaargarow adag ku jira.
CABDI MAXAMUUD CUMAR OO MARKALE MAANTA MAXKAMAD LA SOO TAAGAYO
Ayadoo shalay ay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar BBCda soo gaaray waxay sheegayaan in isla shalay ay la amray in maantato maxkamad la hor geeyo.
Wararkan ku saabsan in maanta oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa BBC u xaqiijiyey ilo madax banaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa.
Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii goor ee hore.
Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.
Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena "ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.
Waxaa kale oo iluhu ay sheegayaan in wixii maxkamaddan ka soo baxa loo gudbin doono tii afarta goor ee hore la hor geeyey.
Maxkamaddaas hore ayaa la sheegayaa in ay leedahay go’aanka ah inay qaadato ama diiddo go’aanka.
WASAARADA WARFAAFINTA OO UGU BAAQDAY SHACABKA IN AY LA SHAQEEYAAN HAY’ADDAHA AMAANKA
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soom aaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeest aan la dagaallanka AlShabaab.
Mudane Aadan Isaaq oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii AlShbaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ayaa sheegay inay cambaareynayo weerarkaasi.
"Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amaanka, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsa nayaa inay banaanka u soo baxaan,” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.
QM OO CAMBAAREYSAY QARAXYADII MUQDISHO KA DHACAY
Jimciyadda Quumaha ka dhaxeyso afayeen u hadlay ayaa sheegay in ay aad kaga xunyihiin weerarkii shalay galab ee qaraxyada is xig xigay loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada Soomaaliya.
Afayeenkaani oo magaciisa lagu sheegay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghaayaha guud ee Qaramada Midoowe ka tacsiyeeyay dadkii soomaaliyeed ee ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay weerarkaasi waxa uuna sheegay in QM ay dowladda dhexe ee soomaaliya kala shaqeyn doonto la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay kooxda argagixisada ah ee shabaab sida uu sheegay.
"Howlgalka Qaramada Midoowe ee Soomaaliya ayaa inoo soo gudbiyay warbixinta weerarkaani qaraxyada ku bilaawday waxaana ay inoo xaqiijiyeen in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee Hotel Saxafi deetana ay xigtay rasaas la maqlay iyo qaraxyo kale oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba geystay” ayuu yiri afayeenka u hadlay Qaramada Midoowe Farhan Haq.
Isla maalinimadii shalay ee qaraxu ka dhacay caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe Soomaaliya u qaabilsan Raisedon Zenenga, isagoo sheegay in ay garab taaganyihiin Dowladda Soomaaliya.
Waxa uuna sheegay in ay sii derdargelin doonaan taageerada dowladda dhexe si buu yiri looga hortago ama loo yareeyo weerarada shabaab ay ka geystaan Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay qaraxyo xoogaan ka geystaan.
ITOOBIYA OO QORSHEYNEYSA IN AY SAL DHIG CIIDAMADA BADDA AH KA DHISATO BADDA CAS IYO BADWEYNTA HINDIYA
Taliye ku xigeenka ciidamada Ethiopia General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qor sheyneyso inay ka dhisato saldhig milatari oo ciidamada badda ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah .
General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika,sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda.
"Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yiri General Berhanu.
General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka soo degsadaan kana dhoofsadaan.
"Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelan ayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah.”ayuu yiri Jananka.
Warkan ka soo yeeray taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in aysan ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaarayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan.
Tan iyo sanadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda.
WARARKII UGU DAMBEEYAY EE QARAXYADII MUQDISHO IYO QASAAROOYINKIISI OO KOR DHAY
Ku dhawaad 30 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxyadii shalay Galabta ka dhacay Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale Goobaha Caafimaadka la geeyay tiro intaasi ka badan oo qaarkood ay qaba dhaawacyo Culus,halka kuwo kalena ay qabaan dhaawacyo Fudud.
Dadka ugu badan ee ay waxyeelado soo gaartay waa dad Shacab ah oo oo Mareeyay wadada ay qaraxyado ka dhaceen.
Qaraxa koowaad ayaa lagu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray. Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.
Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayuu ka dhacay Qaraxa Saddexaad.
Qaraxyadda ka dib rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 4 ruux ayaa isku dayay in ay galaan Hoteelka Saxafi, Waxaana toogtay Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.
AlShabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii shalay ka dhacay Iridda Hore ee Hoteel Saxafi iyadoo isbitaalada magaalada muqdisho laga soo sheegayo dhaawacyadii lageeyay shalay qaar kooda ay xalay ku geeriyoodaan .
Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen ayaa ka mid ah dadka dhaawacyadooda la gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho haddase waa dhaawac fuduf sida uu sheegay .
SOMALIA
DIGNIINTA MARKA - OGEYSIISKA QALABKA
_______________________
URVAN
OGAYSIIS WAA BIXINAYAAin calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:
Nissan Jidosha Kabushiki Kaisha (also trading as Nissan Motor Co., Ltd.), a corporation organised and existing under the laws of Japan of No.2, Takara-cho, Kanagawa-ku, Yokohama-shi, Kanagawa-ken, Japan
waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:
Gaadiidka loogu talagalay dhulalka, hawada, biyaha ama tareenka; baabuurta; gawaarida korontada; baabuurta; gawaari; gawaarida [gaadiidka]; gawaarida ciyaaraha; basaska mootooyinka; gaadiidka madadaalada (RV); gawaarida cayaaraha; gawaarida tartanka; Baaskiiladaha; musqulaha; gawaadhida fargeetada; tareeno oo ay ku jiraan tareeno jiidaya; gawaarida gawaarida ee baabuurta dhulka; bambooyin baabuurta; bacaha hawada [qalabka nabdoon ee gaadiidka dhulka]; mudaharaadayaasha; qaybo ka mid ah dhulka, hawada iyo biyaha; qalabka gaadhiga.
OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYAA in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.
SOMALIA
DIGNIINTA MARKA - OGEYSIISKA QALABKA
OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:
waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:
Sigaarka; tubaakada, cayriin ama la soo saaray; ku duub tubaakadaada; sigaarka tubaakada; alaabta tubaakada; beddelka tubaakada (ma aha ujeedo caafimaad); sigaarka; cigarillos; nalalka sigaarka; nalalka sigaarka; cayaaraha; maqaallada sigaarka; warqadda sigaarka; tuubooyinka sigaarka; santuuqa sigaarka; qalabka jeebka ee sigaar-cabista; mishiinka gacanta lagu hayo ee tubaakada isku mudda tuubada waraaqda; siga elektarooniga ah; dareeraha sigaarka elektarooniga ah; alaabta tubaakada loogu talagalay ujeedada kuleylka.
OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYAA in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.
HALKAAN KA AKHRISO :-WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 10-KA NOVEMBAR 2018-KA
HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, ITOO BIYA IYO ERETERIYA OO KA WADA HADLAYA DHAMMEYSTIRKA HESHIISKA ISKAASHIGA SADDEX GEESOODKA AH Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farma ajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo