AKHRISO: Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo kordhay
Magaalada Muqdisho ay wararaka ay Warbaahinta Muqdisho ka heyso wararka la xiriira qaraxii shalay galab ayaa ah in ay sii kordhayaan tirada dadkii ku naf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa tibaaxaya in Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaani uu yahay mid sii siyaadaya ayna dhimashada gaareyso illaa inta aan maqalnay 35 ruux, halka dhaawacana uu intaasi ka sii badan yahay.
Waxaa xusid mudan Meydadka qaar ee yaalla qaar kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho in aan weli la garan heybtooda maadama dhaawacyo culus oo sababay in jirdooda uu kala go' go'go uu soo gaarey’.
Ka sokow sheegashada Shabaab, waxaa xusid mudan masuuliyiin dowladeed inay ku dhaawacmeen kaliya Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi, iyadoo inta kale ee soo hartay ay yihiin dad rayid ah
iyadoo md. bahlaawi oo bbcda u hadalyey uu sheegay inuu dhaawacmay gacan ta oo jabtay iyo xogaa madaxa oo firro safiitooyinka qolka oo soo jabay ay waxyeeleeyeen uuna sheegay ayna fiican tahay xaaladiisa caafimaad iminka