Xabaal-Wareedyo Laga Helay Sohdinta Oromada Iyo Soomaalida

0
Friday November 09, 2018 - 23:51:09 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabaal-Wareedyo Laga Helay Sohdinta Oromada Iyo Soomaalida

    Booliska ayaa ku dhawaaqay inay ka heleen Xabaal-wareedyo sohdinta kala qaybisa gobolka Soomaalida iyo Oromada ee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska ayaa ku dhawaaqay inay ka heleen Xabaal-wareedyo sohdinta kala qaybisa gobolka Soomaalida iyo Oromada ee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Itoobiya

Hay’addaha nabad-gelyadda ayaa shaaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay uheli lahaayeen magacyadda, jinsiyada iyo tafaasiil dheeri ah oo la xiriira meydadka laga soo saarey Xabaal-wareedyadda oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 200.


Warbaahinta maxaliga ah ee wadanka ayaa ku warantay in ehelida Xabaal-wareedyadani ay kusoo aadeyso xili ay socoto dacwad ka dhan ah Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Ilay].

Cabdi Ilay ayaa loo haystaa inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana la filayaa inuu kasoo hor-muuqdo maxkamad si uu u wajaho cadaalada xili uu dhowr jeer la hor-geeyay.

Madaxwaynihii hore ee degaanka ayaa ku eedaysan abaabulka Rabshado, isku dhacyo qowmiyadeed oo khasaaro dhaliyay iyo ku tagri fal awoodeed xili uu is-casilay bishii Agoosto ee sanadkaan 2018.

Helitaanka xabaal-wareedyadda ayaa wajihi cusub u yeeli karta dacwada ka dhanka Cabdi Maxamed Cumar, kaasi oo dhinac isaga leexiyay dhamaan eedaynta loo haysto, inkasta oo dacwad-oogayaashu ku adkeysanayaa inuu dambiga galay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip