Diyaarad siday dhalinyaro badan oo maanta ka soo degtay magaalada Hargeysa

0
Friday November 09, 2018 - 22:59:46 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad siday dhalinyaro badan oo maanta ka soo degtay magaalada Hargeysa

    Diyaarad siday 41 dhalinyaro ayaa maanta oo Jimco ah dib loogu soo celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad siday 41 dhalinyaro ayaa maanta oo Jimco ah dib loogu soo celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Dhalinyaradan oo mid keliya ay tahay gabar ayaa waxaa laga soo celiyay dalka Libya, halkaasi oo ay doonayeen inay uga sii gudbaan dalalka Yurub.

Dhalinyaradan ayaa in lagu soo celiyo magaalada Hargeysa waxaa iska kaashaday Somaliland iyo Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Markii ay ka soo degeen garoonka ayaa dhalinyaradan waxaa qofkiiba la siiyay 100$, iyada oo intaas kadib loo balan qaaday Lixda bil ee soo socota in qof walba uu heli doono 200$

.

Masuuliyiinta Somaliland ee dhalinyaradan soo dhaweeyay ayaa sheegay in qof walba oo muwaadiniintan ka mid ah loo maalgelin doono shaqo abuuurka uu sameysto mudo ku siman Lixda bil ee soo socota.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawr mar sidan oo kale waxaa magaalada Hargeysa loogu soo celiyay dhalinyaro laga soo celiyay dalka dibadiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip