Waxaa isku kay qaban waayay,Xisbi Mucaarad ah ayaan madax ka ahay iyo Dowladaan la taliyaa!!! =Nasashada Jimcaha.Q-121aaad=.

0
Friday November 09, 2018 - 21:20:14 in Wararka by
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa isku kay qaban waayay,Xisbi Mucaarad ah ayaan madax ka ahay iyo Dowladaan la taliyaa!!! =Nasashada Jimcaha.Q-121aaad=.

    1-Wiil ayaa yiri: Gabar aan waqti hore wada socon jirnay ayaan isagu soo galnay "Super Market", iyada oo la socoto Nin aan u maleeyay Saaxiibkeed ama Ninkii qabay . Si jees jees ah ayey igu tiri: Gadaasheyda gabar saaxib ah ma aadan helin a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil ayaa yiri: Gabar aan waqti hore wada socon jirnay ayaan isagu soo galnay "Super Market", iyada oo la socoto Nin aan u maleeyay Saaxiibkeed ama Ninkii qabay . Si jees jees ah ayey igu tiri: Gadaasheyda gabar saaxib ah ma aadan helin ayaan u maleynayaa?. Intaan dhoola cadeeyay ayaa ninkii "Super market-ka" iibinayay ku iri: iga iibi, 4 gasac oo Caanaha Caruurta ah iyo kartoon Xafaayadaha Caruurta ah, lacagtiina waan bixiyay. waxaana ka soo dhaqaaqay iyada oo iga daba hadleyso umana jawaabin.

Saaxiibayaalow, hadda guriga ayaan joogaa, waxaan rabbaa qof raqiis iiga iibsado kartoonka Xafaayadaha ah, ileyn ilma iima joogaan, Xaasna ma lihi. ( F.S: 1aad)

(Waxaa isku key qaban waayay, Xafaayad ilmood i sii iyo ilmo ma lihi, waxaa kale oo isku key qaban waayay, Xisbi Mucaarad ah ayaan madax ka ahay iyo Dowladaan la taliyaa)

2-Gabar ayaa Aabaheed ku tiri: Aabe arrin yar ayaan rabaa in aan kuu sheegto?. Aabihii ayaa ku yiri: soo daa. Waxay tiri: Aabe Wiil ayaan jecelahay oo muddo aan wada soconay laakin Dalka ma joogyo, FB waxaan ku nahay friends, waxaan muddo ku sheekeysan jirnay whatsApp, kadibna waxaan Kaamero Live ah ugu sheekeeysaney Skype, haddana waxaan xiriir Laba bil ah ku leenahay Viber-ka, waxaan kaa doonayaa in aad Wiilkaa iigu duceyso.

Wuxuu yiri: Gabartey waan kaa aqbalay, Ok, ma xuma, Laakin wax yar ayaa idinka dhiman. Waxay tiri: Waxba nagama dhina Aabe, waan dhameysanay. Aabihii ayaa yiri: Waxaa idinka dhiman in aad isku Mehersataan Messenger kadibna aad isku guursataan Twitter, kadibna aad ku Aqal gashaan IMO, Caruurtana aad ku soo iibsataan EVC, kana qaadato Gmail, haddii aad isku fahmi weysaana Page kiisa ku kala taga. ( F.S: 2aad)

(Gabartu goormey Dowlad noqotay, iyadaa beryahaan shaqadeeda ku dhameysato Baraha Bulshada sida: FB iyo twitter, mise wiilku waa ina Trump ah).

3-Siidow iyo Xaaskiisa oo Afgoi ka soo socdo ayaa intii aynan Xamar soo gaarin waxay ku dhaceen Isbaaro. Siidow waa la qaawiyay waxaana lagu yiri: Xaaskaaga waxa aan ku sameyneeyno fiirso, Xaaskiisii ayaa lagu hor kufsaday. Kadibna Labadoodii waa la sii daayay.

Markii uu Xaafadda yimid ayuu Akhyaartii isagu yeeray, wuxuuna u sheegay wixii dhacay,wuxuuna yiri: Xaaskaan waan furayaa. Xaaskii ayaa tiri: Amar Alle ayaa nagu dhacay ee maxaa la igu furayaa? Siidoow ayaa yiri: Akhyaarey, in aan isla soo safarno waa amar Alle, in aan Isbaaro ku dhacno waa amar Alle, in horteyda lagu kufsado waa amar Alle. Laakin inay u Niikiso ma amar Allaa?, mise iyadaa taa ku dartay. ( F.S: 3aad)

( Sida marmarsiyada laga dhigtay, in aan is dagaalno waa amar Alle, in Madaxdu is khilaafto waa amar Alle, in Baarlamaanku ka aamuso waa amar Alle, Laakin in Badda la gato ma Amar Allaa? Maxkamadda Hague halala socdo, Maalmahaan Xaalku, yaah!!!!). Hague, waxaaba ka daran baddii kale miyaa loo soo socdaa? Maxaa looga jeedaa Hadalkii Gen: Berhanu Jula ( F.S: 4aad)

4- Wiil ayaa Saaxiibadii ku yiraahdeen: Siigadu waa dambi, Islaamkuna waa xarimay, mar kasta oo aad siigeeysato waxaa kaa dhimanaya hal wiil oo kuu noqn lahaa, Injineer, Ganacsade, Siyaasi, Biloote, Wariye, iwm. Wiilkii waa qaatay waanadii, muddo kadib ayaa isaga oo Musqusha ku jiro xasuustana waanadii ayuu siigeystay.

Biyihii ka soo booday ayaa Daaqadii Musqusha ka dhax baxay. Isaga oo ooynayo ayuu u tagay Saaxiibadii, wuxuuna yiri: khalad ayaan galay maanta, Bayloot ayaana iga saqiiray. Waxaa lagu yiri: Sideed ku ogaatay. Wuxuu yiri: Hadduu injineer yahay Darbiga ayuu ku mashquuli lahaa, hadduu Ganacsade yahayna dhulka ayuu ku dhici lahaa, laakin aniga oo u jeedo ayuu Daaqada ka duulay, ooyin yaa aamusiya. ( F.S: 5aad)

( Soomaliya, usbuucaan Duuliye siyaasadeed miyaa ka saqiiray?)

5- Arday fasalka 4aad ee D/Hoose dhigta ayaa la weeydiiyay, Faa’iidooyinka Caanaha Naaska Hooyadu Leeyihin, Waxa uu yiri:

1) Uma Baahna Inaad Karkariso.

2) Ma Awoodaan Bisaduhu Inay Xadaan oo ey kaa cabaan.

3-Mar kasta 24ka Saac waa la heli Karaa.

4-Weyna Kuu Kaydsanyihiin.

5 – Aabe oo kaliya ayaa kula cabi kara. ( F.S: 6aad)

( Yac, yac, Reer Magaaloo dhaqankan cusub iyo ilma hortooda, Yac )

6- Nin ayaa Xaaskiisa oo aheyd Naag aad iyo aad u buuran oo 6 sanno aan ilmo u dhalin, ayuu dhakhtar u geeyay. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Xaaskaagu weli waa Bikro. Ninkii ayaa ku Yiri: Datoore waxbaa kaa khaldan, 6 sanno ayaan is qabnaa oo aan qolka ku dhax ciyaarayay.

Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Daarada hore ( Barandada) guriga ayaa ku Niikineysay ee Qolka ma aadan gaarin. ( F.S: 7aad)

(Waxaan ka baqaa Lix sanno ka dib in Bangiga Aduunku (world Bank) uu na yiraa, weli deyntii la idinkama cafin, Shuruudihiina ma aadan buuxinina ee beenta dhaafa).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip