Hay,addaha Caalamiga oo dalbaday in la baaro afartii ruux ee Amisom ku toogteen Muqdisho

0
Thursday November 08, 2018 - 10:37:48 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay,addaha Caalamiga oo dalbaday in la baaro afartii ruux ee Amisom ku toogteen Muqdisho

    Hay'adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dad rayid ah oo dhawaan ciidamada Amisom ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dad rayid ah oo dhawaan ciidamada Amisom ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Dadka Amisom ay dishay ayaa gaarayay ilaa 4 Ruux, waxana xilliga la dilaayay dadka Shacabka ah kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi qarax Miino lagula eegtay Isgoyska Ex-Koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho.

Qaraxaasi kadib Ciidamada Burundi ayaa toogasho ku dilay afartaan ruux oo ay soo qabteen, kadibna rasaas toogasho ah madaxa kaga dhufteen.

Dadkaan Amisom ay dileen, ayaa waxa ay ahaayeen darawalo kaxeynaayay gaadiid waaweyn oo xilligaasi ay rabeen inay kala soo baxaan garaash ku yaalo goobta lagu dilay.

Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in kiiskaas dilka ah uu yahay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha,isla markaana u baahan sida ay ku dhacday in baaritaan lagu sameeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip