Burcadbadeeda Soomaalid ah oo Weeraray doon laga leeyahay Taiwan

0
Thursday November 08, 2018 - 10:10:03 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcadbadeeda Soomaalid ah oo Weeraray doon laga leeyahay Taiwan

    Doon nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doon nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.

Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping ayaa xaqiijiyay in Kooxdaasi la dilay ka dib markii ay doonta Weerar kusoo qaadeen xilli ay mareysay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Doonta waxaa u suurta gashay in ay ka cararto goobta, iyada oo dhammaan shaqaalahihii Saarnaa ay Ammaan qabaan.

Doontaan oo lagu magacaabo Taiwan Tuna Longline Association ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay xoogeystay bilihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay dhowr jeer galeen halis ah in ay gacanta u galaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Waxaa looga digay doonyaha kalluumeysiga ah ee ka shaqeynaya badweynta Hindiya in ay ka digtoonaadaan burcad-badeedda iyo in ay ka fogaadaan biyaha u dhow Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip