Man United Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ka Soo Gaartay Juventus

0
Thursday November 08, 2018 - 09:09:04 in Wararka by
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ka Soo Gaartay Juventus

    Manchester United ayaa guul soo laabasho aan la rumaysan karin oo cajiib ah ka soo gaadhay Juventus oo ilaa daqiiqadii 86 aad intii la soo gaadhayay hogaanka ciyaarta ku haysay gool uu Ronaldo u dhaliyay laakiin Juan Mata oo badal ciyaarta ku soo gal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa guul soo laabasho aan la rumaysan karin oo cajiib ah ka soo gaadhay Juventus oo ilaa daqiiqadii 86 aad intii la soo gaadhayay hogaanka ciyaarta ku haysay gool uu Ronaldo u dhaliyay laakiin Juan Mata oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa dhiiro galiye u noqtay United isaga oo goolka barbaraha Red Devils u keenay.

Balse markale iyada oo an Juventus madaxa sare u qaadin waxaa goolka labaad sabab u noqday Pogba oo kubbad laaga xorta ah soo tuuray iyo Felleini oo awood jidh ahanaeed ku riixay Sandro kaas oo kooxdiisa Juventus guuldaradan u keenay.

Manchester United ayaa u muuqatay in ay guuldaro kala ka soo gaadhayso Juventus oo hore Old Trafford ugu soo garaacday laakiin dabaal degii iyo farxadii Ronaldo waxaa ka danbeeyay damaashaadkii Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils.

SHIXIHII JUVENTUS VS MAN UNITED:

Juventus XI (4-3-2-1): Wojciech Szczesny; Mattia De Sciglio, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Alex Sandro; Rodrigo Bentancur, Miralem Pjanic, Sami Khedira; Juan Cuadrado, Paulo Dybala; Cristiano Ronaldo.

Kaydka:Mattia Perin, Mario Mandzukic, Daniele Rugani, Mehdi Benatia, Blaise Matuidi, Joao Cancelo, Andrea Barzagli.

Man United XI (4-3-3): David De Gea; Ashley Young, Chris Smalling, Victor Lindelof, Luke Shaw; Ander Herrera, Nemanja Matic, Paul Pogba; Jesse Lingard, Alexis Sanchez, Anthony Martial.

Kaydka:Sergio Romero, Fred, Juan Mata, Marcus Rashford, Eric Bailly, Maroaune Fellaini, Matteo Darmian.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag balse ay labada kooxood ku kala awood badnaayeen dhinaca weerarka iyo difaaca, waxayna ahayd Juventus kooxda fursadaha ugu badan abuurtay isla markaana shaqada ugu badan ee weerarka ah qabtay laakiin difaaca Man United ayaa si adag isakga celiyay fursad abuuristii United.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip