HALKAAN KA AKHRISO :-WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA NOVEMBAR 2018-KA

0
Thursday November 08, 2018 - 08:43:35 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA NOVEMBAR 2018-KA

    SHARIIF XASAN" AWOOD AYAA LA II ADEEGSADAY" Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in awood loo adeegsaday,taasina ay sababtay in uu ka haray doora shadda Mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHARIIF XASAN" AWOOD AYAA LA II ADEEGSADAY" Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in awood loo adeegsaday,taasina ay sababtay in uu ka haray doora shadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

 

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqa allo badan ku bixinayso qaar ka mid ah Musharaxiinta maamulka Koonfur Galbeed,taasina ay saba btay in khal khal Amni la galiyo degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

sharif


Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in aan hantida dadw eynaha loo adeegsan in lagu dhibaateeyo Shacabka kunool degaan ada maamulka Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa tilmaamay in u doorbiday in uu tanaasulo si aysan u dhicin dhibaato,maadaama dowladda dhexe ay doorashadda faraha kula jirto. XIGASHO:RaadioRisaal.Com

GUDDOOMIYE MURSAL OO LA KULMAY ERGEYGA GAARKA AH EE DOWLADDA TALYAANIGA U QAABILSAN GEESKA AFRICA

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Talyaaniga u qaabilsan Geeska Africa Luciano Pezzotti, Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaliya Carlo Campanile iyo madax kale.

Guddoomiyaha ayaa masuuliyiintii uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo hormarin lahaa xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya baarlamaanada Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo isdhaafsiga shaqo iyo hormar ee labada baarlamaan.

Guddoomiye Mursal ayaa warbixin ka dhageystay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Talyaniga u qaabilsan Geeska Africa Luciano Pezzotti.

Mr, Luciano Pezzotti ayaa cadeeyay in dowladda Talyaaniga ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed, kana shaqeyn doono sidii loo sii laba jibaari lahaa taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in saraakiishii uu la kulmay wax badan ay ka wada hadleyn lana dhaqan gelinayo qodobadii uu kala hadlay.

"Masuuliyiinta aan xafiiskeyga ku qaabilay wax badan ayaa kala hadlay oo ku saabsan hormarinta golaha shacabka iyo sidii loo dardar gelin lahaa sameynta xiriir saaxiibtinimo oo labada baarlamaan ah, dowladda Talyaaniga xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka Mudane Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble.

TIRADA MUSLIMIINTA KA TIRSAN KONGAREESKA MARAYKANKA OO SII KORDHAYSA

Sida laga warqabo Doorashadii Xilliga Dhexe ee Maraykanka waxaa guul weyn gaaray Xisbiga Democratic oo awood badan ku yeelan doona Kongareeska dalkaasi.

Murashixiinta Muslimiinta Maraykanka ayaa guul ka gaaray Tartankii Xildhihaanimo ee Kongareeska, iyadoo 2 Murashax oo gabdho ku guuleysteen inay ka mid noqdaan Aqalka Kongareeeska.

Labada gabdhood oo asal ahaan ka soo kala jeeda Somalia iyo Falastiin ayaa lagu kala magacaabaa Ilhan Omar oo laga soo doortay Minnesota iyo Rashida Taliba oo laga soo doortay Gobalka Detriot.

Murashaxa kale ee Muslimka ah ee Andre Carison oo Maraykan Afrikaan ah ayaa dib loogu doortay Kursigiisa Aqalka Kongareeska ee Gobalka Indiana.

Mudanihii ugu horreeyey ee Muslimka ah ee loo doortay waxa uu ahaa Keith Ellison, kaasi oo kursigii uu banneeyey ay ku guuleysatay Ilhan Omar.

Tirada Xildhibaanada Muslimiinta ee ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka waxay haatan gaareen 3 xubnood, kuwaasi oo la filayo inay difaacaan Xuquuqda Muslimiinta ee ku nool Caalamka.

Tacadiyada Islaam nacaybka ee gudaha Maraykanka waxay 6dii bilood ee la soo dhaafay korortay 30%, sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Golaha Muslimiinta Maraykanka.

WQ: Ustaad Nuradin

MADAXWEYNE FARMAAJO OO QAABILAY WAFDI UU HOGGAAMINAYO WASIIRKA GAASHAANDHIGGA DOWLADDA TURKIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dibudhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Turkiga ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.

DHAMMAAD

WAFDI UU HOGGAAMINAYO WASIIRKA DIFAACA TURKIGA OO SOO GAARAY MAGALADA MUQDISHO

Ra’iisul Wasaare kuxiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleedoo ay wehliyaan qaar kamid ah Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyey Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Turkiga.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga ee soo gaaray magaaladda Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dawladda Turkiga iyo Masuuliyiin kale.

Ujjeedka Imaanshaha Muqdisho ee Wafdigaan ayaa ah siddii dawladda Turkiga ay usii dar dar gelin laheyd taageeradda howlaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo gacan weyn ay ka geeystaan.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dawladda Turkiga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho in kulamo kala duwan ay la qaataan Madaxda sare ee dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kulamadaasi oo looga hadli doono dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

SHARIIF XASAN OO KU DHAWAAQAY INUU ISKA CASILAY XILKA MADAXWEYNA HA KOOFUR GALBEED

sharif Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaddib cadaadis siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

Waxaa uu kaloo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Musharaxnimada, taasoo soo afjareysa jahwareerkii ka taagnaa doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Is casilaada Shariif Xasan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaja Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo goor si horeysay gaaray Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa si KMG u sii heyn doona xilka Madaxweynaha, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Shariif Xasan ayaa qorsheynayay inuu muddo ku darsado, hase ahaatee cadaadis Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka oo ka soo horjeeday in dib u dhacdo waqtiga doorashada, waana sababta soo dedejisay is casilaadiisa.

CIIDAMO AMISOM AH OO RASAAS KU FURAY DAD KU BANAANBAXAAYAY MUQDISHO

Ciimada AMISOM ayaa shalay rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku banaan baxaayay isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, waxa ayna dadkaasi banaanbaxyada dhigaayay ay ka ashtakoonayeen falalka AMISOM ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dadkaani ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen ayaa dhigayay banaanbaxyo nabdoon oo ay kaga soo horjeedeyn falkii Ciidamada AMISOM ee daraad ku dileen afar ruux oo shacab ahaa oo ku sugnaa isgoyska ExKontrool Balcad,kadib markii kolonyo ciidamo Burundi ah ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lala eegtay Miino.

Rasaasta ay Ciiamadaan AMISOM ay ku fureen dadka banaanbaxaayay ayaa timid ka dib markii banaanbaxayaasha ay xirteyn wadooyinka galla isgoyskaasi deetana Ciidamadaan ay waayeen meel ay ka baxaan inkastoo rasaasta ay fureen aysan cidna wax ku noqon hadane dadka banaanbaxaayay ayaa kasii carooday falkaan kale ee Ciidamada AMISOM ka geysteen isla magaalada Muqdisho.

Dadkaani banaanbaxaayay ayaa masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in AMISOM lagula xisaabtamo tacaiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ay ka geystaan Magaalaa Muqdisho.

Waayihii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanaayay rasaasta AMISOM ay ku furtaan wadooyinka iyadoo sidaas si lamid ah markii lala eegto miino ay rasaas fara badan ku furaan dadka shacabka ah ee ku hareersan

AFHAYEENKII GOLAHA ISKAASHIGA MAAMUL GOBOLEEDYADA CABDULAHI SHEEKH XASAN OO IS CASILAY

Waxaa sii kordhaya isbedelada ku imanaya siyaasada dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya waxaana shalay ku dhowaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Wasiirkii Dastuurka Koofurgalbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa is casilaadiisa ku tilmaamay inay timid kadib markii Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu iska casilay madaxtinimada Maamul Goboleedka Koofurgalbeed isla markaana ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada koonfur galbeed.

Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa dhowaan kulan lagu qabtay magaalada Garowe waxaa loogu magacaabay afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo markii hore lagu aasaasay shan Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa waxaa haatan ku soo haray saddex Madaxweyne Maamul Goboleed kadib markii uu Madaxweynihii Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu heshiis la galay Dowlada Federalka halka uu shalayna is casilay Madaxweynihii Maamul goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan..

GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO TALISKA AMISOM KALA HADLAY DHAC DADII DADKA RAYIDKA KU LAAYEEN

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa sheegay in Taliyaha AMISOM uu kala hadlay dhacdadii daraad Ciidamo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu sheegay inuu kala hadlay Taliyaha AMISOM sidii loo soo qaban lahaa askartii ka dambeysay dakdii shacabka ahaa ee lagu dilay degmada Hodan.

"Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii daraad ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, waxaan u sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ka dalbaday Taliska AMISOM in baaritaan dhab ah ka sameeyo dhacdadaas..

"Waxaan ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, Waxaa uu ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Yariisow.

AMISOM ayaa illaa hada ka hadlin dhacdadii daraad ay dadka rayidka ku dileen, waxaana meydadka afarta ruux la dhigay isbitaalka Madiina, kuwaasoo qoysaskooda ay sheegeen in aanay aasi doonin, illaa caddaalada laga keeno askarta falkaas geysatay.

Ciidamada AMISOM ayaa si bareer ah u dila dadka shacabka, waxaana shacabka ay noqdeen kuwo dhibane u ah dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, haddii ay ahaan lahaayeen ciidanka dowladda, AlShabaab iyo Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee taageeraya dowladda Federaalka.

QARAMADA MIDOOBAY OO KA HADA SHAY DOORASHADA MADAXWEYN AHA KOOFURGALBEED

amisom-1-750x430 (1) Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobaay ee dalka Soomaaliya(UNSOM) ayaa War Saxaa fadeed ay soo saartay waxa ay ugu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda lagu heshiiyay.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaram ada Midooobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Hayson ayaa ku sheegay war saxaafadeedka

"Doorashadan waa mid kamid ah doorashooyin ka dhici doona dalka kuwaasoo isugu jira heer dowlad gobo leed iyo mid Federalba 2020 ugu horeeyay ee laga qabo dalka, waxaa looga baahan yahay inay u dhacdo si nabad ah oo hufnaan leh.”

"Waxaan hoosta ka xariiqayaa in beesha caalam ka ay sidan oo kale ay bishii November 2016 ay Sooma alida ugu baaqday in la xaqiijiyo qeybaha kala duwan ee siyaasadda sidii ay doorashada xilliga ugu dhici lahayd si wanaagsan.”ayuu sii raaciyay Haysom.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in iyadoo lala kaashanayo oday hogaa miyaasha dhaqanka in xal loo helo iyadoo la wadahadlayo sidii doorashadu ay u qabsoomi lahayd si nabad ah.

Baarlamaanka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 17ka bishan ay doortaan Mada xweyne halka doorashooyin la mid ahna ay ka dhici doonaan Puntland iyo Jubaland sanadka 2019.

IMAARAADKA CARABTA OO SALDHIGGA MILATARIGA BERBERA FURAYA BISHA JUNE 2019

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in saldhiga Milatari oo uu ka dhisayo magaalada Berbera si rasmi ah loo furi doono bisha June ee sanadka soo socda.

Saldhiggan ayaa howlaha uu qabanayo waxaa ka mid ah in lagu xirayo qalab laga ilaalin karo Marinka Bab elMandeb taasoo ah waddo ay maraan maraakiibta shidaalka iyo kuwa xamuulka ee ku sii jeeda Kanaalka Suez.

Fariisimaha Imaaraadka ee Somaliland iyo Eritrea ayaa waxaa aymuhiim u yihiin taageerida isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudiga ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee mucaaradka ku ah dowlada Yemen.

"Saldhigga Milatariga Imaaraadka Carabta waxa ay ka caawin doonaan gobolka ka hortagida burcad badeeda,kalluumeysiga sharci darada ah iyo in lagu daadiyo qashinka warshadaha xeeb aheena.”ayuu yiri Baashe Cawil Cumar.

Saldhiggan ayaa baaxadiisu waxa ay gaareysaa 42km oo labo jibaaran waxana uu leeyahay meel ay ku soo xiran karaan maraakiibta dagaalka ayna ka soo degi karaan diyaaradaha.

KULANKII GOLAHA SHACABKA OO BAAQDAY

Kulan lagu waday in ay shalay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho xildhibaanada Baarlamaan ka Soomaaliya ayaa shalay baaqday sidda warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa u baaqday sababo la xariira Koram La’aan.

Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in ay kulanka uga hadlaan aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in kulankii Baarlamaanka uu Kooram La’aan u baaqdo.

Waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doona Xildhibaanadii shalay baaqday,islamarkaana kulan ka soo socda Magacyadooda la yeerin doono

XILDHIBAANADII KOONFUR GALBEED OO DIB LOOGU CELIYAY BAYDHABO

Xildhibaanadii maamulka Koofur Galbeed ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon karo Xildhibaanada ayaa waxaa shalay aroortii basas looga qaaday Hoteladii ay degenaayeen Magaalada Muqdisho, waxaana dib loogu celiyay Baydhabo.

Tallaabada Xildhibaanada looga soo qaaday Baydhabo ee loo keenay Muqdisho ayaa banaanka soo dhigtay faragelinta dowladda Federaalka ku heyso doorashada Koofur Galbeed, gaar ahaan taageerada ay siineyso Musharax gaar ah.

Guddigii doorashadda ee shaqadda ka tagay ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in xildhibaa nadii Koonfur Galbeed ay ku heysato Hoteello ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada shalay dib ugu laabtay Baydhabo ayaa gaarayay ilaa 40 Mudane, waxaana lagu waddaa in saameyntooda laga dareemo Magaalada Baydhabo.

DABKA KACAY SUUQ KU YAALLA MAGALADA NAIROBI

Wararka naga soo gaaraya Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Suuqa halkaasi ku yaalla uu dab xooggan qabsaday.

Suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo waramayaa in uu dab ka kacay,waxaana dabkaasi ku basbeelay dukaamo badna o ay leeyihiin Ganacsato Kenyan ah.

Gawaari dam deimis ah ayaa Suuqa Gikomba gaaray si ay dambkaasi u demiyaan,waxaana Ganacsatada qaarkood ay sheegeen inaysan ka warheyn hantidooda,isla markaana dabka uu si kedis ah uu ku bilaawday.

Suuqa Gikomba ayaa dhowr mar uu dabka kacay,waaana dhawaan lagu soo kordhiyay dhismooyin Ganacsi kadibmarkii dukaamadii hore uu dab baabi’iyay.

Bishii June ayay ahayd markii 15 qof ay ku dhinteen halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen dab xoogan oo ka kacay isla suuqaas Gikomba ee Magalada Nairobi.

TRUMP OO SOO DHAWEEYAY GUUSHA UU XISBIGIISA KA GAARAY DOORASHADA

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisa oo ka soo hooyay doorashada xilliga dhexe, gaar ahaan aqalka sare. Trump ayaa bartisa Twitterka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in xisbigiisu uu gaaray guul wanaagsan, waxa uuna dadka dalkaasi uga mahad celiyay guushaasi.

Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa lagu soo waramayaa in uu helay aqlabiyadda uu u baahan yahay ee aqalka sare balse waxaa looga guuleystay aqalka wakiillada.

Toddobo xubnood oo aqalka Senetka ku matalayay xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo malaynayaa in ay difaacdeen kuraastoodii gobollada waqooyi bari, deegaannadaasna waxaa ka mid ah Connecticut, Massachussetts iyo Pennsylvania.

Dhanka aqalka sare ama Senedka, 33 xubnood oo aqalka Senedka ah ayaa dhanka kalana loo loolamayaa, si xisbiga Dimuqraadigu uu u helo aqlabiyaddana, wuxuu u baahan yahay in uu ku guulaysto labo kursi oo Jamhuurigu horay u ugu fadhiyay

SOOMAALI LAGA SOO CELIYAY LIBYA OO LAGA SOO DEJIYAY GAROONKA AADANCADDE

Muwaadinintaan ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ka soo deysay Xabsiyo ku yaalla dalka Libya,waxaana tiradooda ay gaareysaa 124 ruux oo isugu jiro Rag iyo Dumar.

Garoonka AadanCadde waxaa muwaadiniintaa sku soo dhaweeyay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

AMISOM OO SHEEGTAY IN CADAALAD DA LA HOR KEENI DOONO CIIDAMADII KA DAMBEEYAY FALKII EXKONTROL BALCAD

War saxaafadeed ay soo saareyn taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayey kaga hadleyn dhacdadii qaar kamid ah ciidamadooda ay ku laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska ExKontrool Balcad, waxa ayna sheegeyn in ay aad kaga xunyihiin falkaasi.

hadaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

"Howlgalka nabad ilaalinta ee Ciidamada Midowga Afrkia ee AMISOM waxa uu il gaar ah ku haayaa falkii ciidamadada AMISOM ay ka geysteen ExKontrool Balcad, falkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ahaa.

AMISOM oo si dhaw ula shaqeyneysa hay’adda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay quseyso arrintaani waxa ay sameyn doonaan baaritaan mug leh oo ku saabsan sababta uu falkaasi dadka ku geeriyoodeen u dhacay waxaana natiijada baaritaankaasi lala wadaagi doonaa warbaahinta.

Howlgalka nabad ilaalinta ee Ciidamada Midowga Afrkia ee AMISOM waxa uu tacsi u diraayaa ehelda dadka geeriyooday.

AMISOM waxay rajeyneysaa oo ay ku hanweyntyahay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in Ciidamada AMISOM loo soo tababaro sidii ay u dhowri lahaayeen sharciga caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha, iyo ka qeyb qaadashada falalka dagaalka iyadoo loo turaayo dadka rayidka ah ee aan qeybta ka aheyn dagaalka markaas lagu jiro.

AMISOM kama hari doonto dhacdadaan ilaamaa ay soo shaac baxdo xaqiiqda falkaani sida uu u dhacay sidaas si lamid ahna cadaaladda la hor keenin dambiilayaasha”.

SHIRKAD SHAQAALAHA KU KHASABTAY IN AY KAADI CABBAAN BARAANBARANA CUNAAN

Ciddii hawsheeda ka soo dhalaaliwayda baranbar ayaa loo sii diyaariyay

Maareeyeyaasha shirkad Shiinaha ku taalla ayaa xabsi la dhigay ka dib markii ay shaqaalahii ku qasbeen in ay cabaan kaadi ayna cunaan baraanbaro iyaga oo ku ciqaabaya in ay awoodi waayeen in ay shaqadooda ka soo bixi waayeen, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Booliiska ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii la helay muuqaallo muujinaya shaqaalaha oo suun lala dhacayo oo dareere jaale ahna cabaya.

Qoraallo baraha bulshada la soo dhigay ayaa sheegay in shaqaalaha loo sheegay in ay cunaan baraanbaro haddii ay xaqiijin waayaan shaqada loo idmaday.

Saddex masuul oo shirkadda ka tirsan ayaa min shan ilaa 10 sano loogu xukumay dhacdadaas, sida uu ku warramay wargeyska Koonfurta Shiinaha ka soo baxa ee Morning Post.

Muuqaal aad la isula wadaagay oo la soo dhigay barta ay bulshada Shiinuhu ku xiriirto ee Weibo ayaa muujiyay nin shaqaalaha ka mid ah oo bartanka taagan oo suun lala dhacayo.

HOWLGAL WADOOYINKA MUQDISHO LOOGA ARUURINAYO XOOLAHA OO BILAAWDAY

Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Nadaafadda ayaa bilowday olole lagu aruurinayo Xoolaha sida sharci darrada ah loogu soo daaqgeeyo Waddooyinka Caasimadda.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u soo saaray wareegto lagu mamnuucayo Xoolaha waddoo yinka Caasimadda iska dhex jooga. Iyadoo la sameeyey Xerrooyinkii loogu talagalay oo lagu diyaariyey xannaanada ay xooluhu u baahan yihin.

"Ma aqbali karno in Waddooyinka Caasimadda ay iska dhex joogaan Xoolo, kuwaas oo dhibaato ku ah bilicda iyo nadaafadda Caasimadda, waxaan u sheegaynaa qof walba oo leh xoolahan inuu ka saaro magaalada, ciddii u hoggaansami waydana waxay waayi doontaa xoola hooda, sharciga ayaana lala tiigsan doonaa”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la diyaariyey xerooyinkii baadi qabadka, halkaas oo lagu xanaanayn doono xoolahan, isla markaana dadkii u hoggaansami waayay wareegtada ay waayi doonaan xoolahooda, laguna wareejin doono Ciidanka Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Goodax Barre ayaa sheegay in qaar kamid ah jidadka ay ka bilaabeen ololahan, isla markaana guud ahaan degmooyinka magaalada laga sifeyn doono xoolaha sida sharci darrada ah u jooga waddooyinka.

SOMALIA

DIGNIINTA CALAMADA - OGEYSIISKA QALABKA

_______________________

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamadda ganacsiga ee:

Visa International Service Association, a corporation organised and existing under the laws of the State of Delaware (U.S.A.) of 900 Metro Center Boulevard, Foster City, California 94404, United States of America

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Qoraal daabacan, daabacado, kaararka bangiga daabacan iyo jeegaga safarka; qalabka dhismaha; foomamka ganacsiga, calaamadaha dukaamada alaabta iyo bandhigyada, calaamadaha iyo quraaradaha; caymiska iyo adeegga maaliyadeed, bangiga, adeegyada biilka biilka, adeegyada kaararka deynta, adeegyada kaararka deynka, adeegyada kaararka lacag bixinta, kaadhka elegtarooniga ah iyo macaamilada lacagaha, wareejinta lacagta elektarooniga ah, kaadhadhka smart iyo adeega lacagta elektarooniga ah, bixinta lacagta caddaanka ah, lacagta caddaanka ah beddelashada kaararka deynta iyo kaararka deynka, macaamilada lacagaha ee elektarooniga ah, jeega lacag caddaan ah, adeega macaamiisha iyo adeegyada mashiinka wicitaanka, adeegga lacag bixinta, maareynta macaamil dhaqaale online adoo isticmaalaya shabakad kombuyuutar caalami ah ama iyada oo loo marayo qalabka isgaarsiinta, mobile ama qalabka elektarooniga ah, Adeegyada xaqiijinta, caymiska safarka caymiska, adeegga elektaroonigga ah ee lacagaha iyo adeegga sarrifka lacagaha, qiimeynta maaliyadeed iyo adeegyada maareynta khatarta ee dadka kale ee deynka macaamiisha, adeegyada maareynta deymaha, iyo faafinta macluumaadka maaliyadeed iyo macluumaadka lacag bixinta ee shabakadda kombiyuutarada caalamiga ah ama iyada oo loo marayo isgaarsiinta , qalab mobile ama qalabka wireless; maalgelinta maaliyadeed ee munaasabadaha isboortiga loogu talagalay dadka kale iyo riwaayadaha muyuusiga iyo xafladaha khamriga; qalabka elektarooniga ah kombiyuutarada; shabakadaha kombiyuutarka nidaamyada qalabka kombiyuutarka qalabka kombiyuutarka iyo software; akhristaha kaararka; akhristaha kaadhadhka smart; akhristayaasha jilicsan; ATM-yada (Mashiinka Teller ee Qalabka ah); qaabab, xayaysiis; habka elektaroonigga ah iyo gudbinta xogta lacag bixinta, farsamada elektaroonikada ee caymiska.

Calaamadda waxaa loo isticmaalaa midabada buluug, cadaan iyo dahab.

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip