Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay olole loogaga ururinayo xoolaha wadooyinka caasimada

0
Wednesday November 07, 2018 - 23:59:14 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay olole loogaga ururinayo xoolaha wadooyinka caasimada

    Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Nadaafadda ayaa bilowday olole lagu aruurinayo Xoolaha sida sharci darrada ah loogu soo daaq-geeyo Waddooyinka Caasimadda. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Nadaafadda ayaa bilowday olole lagu aruurinayo Xoolaha sida sharci darrada ah loogu soo daaq-geeyo Waddooyinka Caasimadda. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u soo saaray wareegto lagu mamnuucayo Xoolaha waddooyinka Caasimadda iska dhex jooga. Iyadoo la sameeyey Xerrooyinkii loogu talagalay oo lagu diyaariyey xannaanada ay xooluhu u baahan yihin.

"Ma aqbali karno in Waddooyinka Caasimadda ay iska dhex joogaan Xoolo, kuwaas oo dhibaato ku ah bilicda iyo nadaafadda Caasimadda, waxaan u sheegaynaa qof walba oo leh xoolahan inuu ka saaro magaalada, ciddii u hoggaansami waydana waxay waayi doontaa xoolahooda, sharciga ayaana lala tiigsan doonaaā€¯.





Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la diyaariyey xerooyinkii baadi qabadka, halkaas oo lagu xanaanayn doono xoolahan, isla markaana dadkii u hoggaansami waayay wareegtada ay waayi doonaan xoolahooda, laguna wareejin doono Ciidanka Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Goodax Barre ayaa sheegay in qaar kamid ah jidadka ay ka bilaabeen ololahan, isla markaana guud ahaan degmooyinka magaalada laga sifeyn doono xoolaha sida sharci darrada ah u jooga waddooyinka.

Waxuu digniin u jeediyey shaqsiyaadka leh Xoolaha oo lagula xisaabtamayo wax walba oo dhibaato ay geysteen gaar ahaan nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

 

Wadooyinka Muqdisho oo laga ururinayo xoolaha habeenkii




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip