Nin Labo Bil Kaddib Aaskiisii Ku Soo Laabtay Reerkii Uu Ka Dhintay!.

0
Wednesday November 07, 2018 - 23:28:54 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Labo Bil Kaddib Aaskiisii Ku Soo Laabtay Reerkii Uu Ka Dhintay!.

    Aigali Supugaliev, oo 63 jir ah, ayaa la la'aa labo bilood,kaddibna Reerkiisa ayaa Tacsi u dhigay,waxaa la waayay Bishii July ee sanadkan 9keedii. Bil markii uu maqnaa ayaa la helay Meyd,markii loo geeyay Dhaqtar uu baaray hidda sidaha Meydka w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aigali Supugaliev, oo 63 jir ah, ayaa la la'aa labo bilood,kaddibna Reerkiisa ayaa Tacsi u dhigay,waxaa la waayay Bishii July ee sanadkan 9keedii. Bil markii uu maqnaa ayaa la helay Meyd,markii loo geeyay Dhaqtar uu baaray hidda sidaha Meydka waxaa uu Aigali u sheegay in wiilkoodii uu yahay islamarkaana Hidda sidaha xubnaha qoyska iyo Meydka lahayo ay is leeyihiin 99.92%. Laakiin labo bil kaddib Augali oo socda ayaa yimid reerkooda,waxaana uu u sheegay in uu shaqo Beer Tacbasho ah u aaday meel fog, markii horena baxay isaga oo aan safarkiisa cidna la wadaagin.

Esengali, oo ah ninka la dhashay Aigali,ayaa sheegay in uu rumeysan waayay soo laabashadiisa,waxaana uu xusay in Duugtiisii uu ku bixiyay qarash badan.

Qoyska Aigali ayaa u yeeray Dhaqtarkii baarista ku sameeyay Hidde sidaha Meydkii labo bil ka hor la aasay,waxaana ay u sheegeen in wiilkoodii noolyahay oo uu been u sheegay.
aakiin dhaqtarkii ayaa qoyskii ku qanciyay in 0.08% oo ah inta ay ku kala duwanaayeen labada hidda side lagu kala duwanaan karo,wax qalad ahna uusan geyn.
Aigali Supugaliev,waxaa uu u dhashay Dalka Kazakhstan.
Nin labo bil kaddib aaskiisii ku soo laabtay Reerkii uu ka dhintay!.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip