Dowladda oo Midowga Afrika ka dalbatay inay sharciga horkeento askarta dishay dadkii shacabka ahaa

0
Wednesday November 07, 2018 - 23:24:14 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Midowga Afrika ka dalbatay inay sharciga horkeento askarta dishay dadkii shacabka ahaa

    Qoraal ka soo baxay dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay cambaareyneyso dhacdadii shalay lagu dilay Afar qof oo shacab ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ka soo baxay dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay cambaareyneyso dhacdadii shalay lagu dilay Afar qof oo shacab ahaa.

Dowladda ayaa Midowga Afrika ku wargelisay in si deg deg ah loo soo dhameystiro baaritaanka la xiriira dhacdadan, si sharciga loo horkeeno raggii falkaasi ka dambeeyay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Dowladda:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si deg deg ah loo soo dhammeystiro baaritaanka dhacdadaan, loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd, Dowladda Soomaaliya waxa ay billaabeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

In kasta oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya garowsantahay durRuufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dalalka aan walaalaha nahay ee kamidka ah hawlgalka AMISOM iyo dhiigga ay ku bixinayaan nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, haddana waajibka ugu horreeya ee dowladda Soomaaliya waa ilaalinta nafta iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Goleyaasha Dowladda waxa ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku geeriyooday dhacdadan, waxa ayna farayaan hay’adaha ay quseyso la socoshada iyo daryeelka caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip