Dowladda Cameroon Oo Sheegtay In La Sii Daayay Arday La Afduubtay,

0
Wednesday November 07, 2018 - 22:24:13 in Wararka by
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Cameroon Oo Sheegtay In La Sii Daayay Arday La Afduubtay,

    Dowladda Cameroon Oo Sheegtay In La Sii Daayay Arday La Afduubtay,Dowladda Cameroon ayaa sheegtay in la sii daayay dhamaan Ardey laga afduubtay Dugsi ku yaalla Magaalada Bamenda. 78 Arday, iyo Darawalkii Baskooda ayey sheegtay dowladda in la siidaay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Cameroon Oo Sheegtay In La Sii Daayay Arday La Afduubtay,Dowladda Cameroon ayaa sheegtay in la sii daayay dhamaan Ardey laga afduubtay Dugsi ku yaalla Magaalada Bamenda. 78 Arday, iyo Darawalkii Baskooda ayey sheegtay dowladda in la siidaayay,halka labo qof oo kala ah maamulaha Iskuulka iyo Macallin ay wali gacanta ugu jiraan afduubayaasha. Samuel Fonki; oo ka mid ah saraakiisha waxbarashada Dalka Cameroon ayaa xaqiijiyay in ardeyda dhamaantood la sii daayay,Maamule iyo Macallina ay ku maqanyihiin gacanta Kooxda afduubayaasha ah. Dowladda Cameroon ayaa horay u sheegtay in Kooxda gooni u goosadka ah ee Gobollada looga hadlo Afka Ingiriiska ay ka dambeeyeen Afduubkaas.

Madaxweynaha Dalka Cameroon Paul Biya,ayaa ugu baaqay gooni u goosadka in ay hubka iska dhigaan islamarkaana ay ka qeyb qaataan dowlad nimada Cameroon.

Dowladda Cameroon oo sheegtay in la sii daayay arday la afduubtay,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip