Luis Enrique Oo Markii Ugu Horreysay U Jawaabay Jorda Alba iyo Gerard Pique

0
Wednesday November 07, 2018 - 20:04:40 in Wararka by
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Enrique Oo Markii Ugu Horreysay U Jawaabay Jorda Alba iyo Gerard Pique

    Tababaraha xulka qaranka Spain,Luis Enrique ayaa ka jawaabay hadallo uga yimid xiddiga Barcelona ee Jordi Alba iyo Gerard Pique oo ku saabsanaa sababta uu difaaca bidix ee Barca uga reebay xulka qaranka Spain oo aanu hal mar kusoo darin tan iyo intii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha xulka qaranka Spain,Luis Enrique ayaa ka jawaabay hadallo uga yimid xiddiga Barcelona ee Jordi Alba iyo Gerard Pique oo ku saabsanaa sababta uu difaaca bidix ee Barca uga reebay xulka qaranka Spain oo aanu hal mar kusoo darin tan iyo intii loo magacaabay. Alba ayaa ciyaartii El Clasico ee Real Madrid ay ku burburiyeen kaddib waxa uu sheegay in aanu garanaynin sababta loogu dari waayey xulka qaranka, balse aanay dhibaato ku ahayn oo uu ixtiraamayo go'aanka tababaraha, laakiin saaxiibkii Gerard Pique ayaa isaguna kula taliyey Enrique inuu xulka qaranka kusoo ceiyo Alba.

Xulka qaranka Spain oo la filayo in badhtamaha bishan ay la ciyaaraan Croatia iyo Bosnia kulan ka tirsan Nations League iyo kulan saaxiibtinimo, ayaa waxa la filayaa in Enrique uu soo saaro liiska ciyaartoygiisa uu u xulanayo ciyaarahaas.

Luis Enrique ayaa ballan-qaaday inuu isbeddel ku samaynayo xulka qarankiisa, isla markaana uu ogyahay in Alba uu yahay ciyaartoy wanaagsan oo mar walba kubbad heersare ah ciyaara.

"Jorda Alba? Mar walba waa ciyaartoy sare, Pique na wuu fahamsan yahay kubadda cagta, waanan aqbalayaa taladiisa.” Sidaas ayuu yidhi Enrique.

"Waxa jiri doona isbeddel, laakiin ma tirin karo waxayse noqon doonaan afar ama shan ama way ka yaraan doonaan, waxaanay ku xidhnaan doontaa waxa aan tababarka ku arko.” ayuu ku daray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip