Faa'dooyinka Caafimaad ee laga helo Mooska (Muuska ).

0
Monday November 05, 2018 - 23:00:56 in Wararka by
  • Visits: 1022
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'dooyinka Caafimaad ee laga helo Mooska (Muuska ).

    Muuska waa mid kamid ah miraha sida balaaran looga isticmaalo caalamka, 107 dal ayaana lagu beeraa, kaalinta afraad ayuuna kaga jiraa dalagyada caalamka marka la fiiriyo qiimaha lacagta. Faa'iidooy Caafimaad ee laga helo Mooska waxaa ka mid ah :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuska waa mid kamid ah miraha sida balaaran looga isticmaalo caalamka, 107 dal ayaana lagu beeraa, kaalinta afraad ayuuna kaga jiraa dalagyada caalamka marka la fiiriyo qiimaha lacagta. Faa'iidooy Caafimaad ee laga helo Mooska waxaa ka mid ah : Mooska waxa uu caawiyaa yareynta cudurka DHIIG KARKA.

Muusku waxuu ka kooban yahay nafaqooyin dhex dhexaad kadhiga heerka cudurka SOKORTA.

  • Mooska waxa uu taageeraa caafimaadka WADNAHA.
  • Muuska waxuu hagaajiyaa caafimaadka KELYAHA.
  • Mooska waxuu caawiyaa dhimista miisaanka JIRKA.
  • Muuska waxaa laga helaa nafaqooyinka kala ah : Fiitamiino, Macdan, Borotiin, Kaarboon heydareyd iyo Fiber .
  • Mooska waxa uu yareeyaa dhibaatada caafimaad ee uu sababto cudurka NEEFTA.
  • Muuska waxaa laga helaa Fiitamiino ay ka mid yihiin C, B6, Riboflavin iyo Niacin,
  • Muuska waxaa laga helaa Macdano ay ka mid yihiin : Manganessium, Potassium, Magnesse iyo Bir ( Iron ).
  • Muuska waxaa ka buuxa macdanta Potassium, Hal xaboMoos ah oo dhex dhexaad ah waxaa ku jira 400 Mg oo Potassium ah , waxeyna Potassium-tu muhiim u tahay in ay si wanaagsan u shaqeeyaan Neerfaha iyo Muruqyada.
  • Mooska wuxuu kaalin ka qaataa habsami u socodka howsha dheef shiidka wuxuuna fududeeyaa saxarada marka aad jiran tahay ama caloosha ku fadhido waxaana laga helaa nafaqooyin muhiim ah iyo adeegyo kuu suura geliya in aadan u baahan in aad caloosha bixiso.
  • Muuska waxaa laga helaa Fiberka cuntada ,

Hal xabo oo muus ah waxaa kujira 3 Grams oo Fiberka cuntada ah kaas oo kaa caawiya in aad dareento dhereg waqti dheer ah iyo in dheef shiidku si wanaagsan u shaqeeyo. Dadka Mareykanka aad ayey u isticmaalaan mooska waxaana la sheegayaa in muuska ay cunaan uu ka badan yahay Tufaaxa iyo Liinta ay cunaan oo la’isu geeyay.

QORAA SARE Muse Mohamed Osman.

E- Mail : muusekiimiko@gmail.com.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip