GOLAHA QIIMEYNTA QORAALLADA

0
Monday November 05, 2018 - 20:52:13 in Wararka by
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOLAHA QIIMEYNTA QORAALLADA

    GOLAHA QIIMEYNTA QORAALLADA Ma jirtaa cid qiimeysa qoraalada soo badanaaya ee ay qoraan dadka daneeya in ay dareenkooda oo qoran ay soo gudbiyaan iskuna shuqliya akhriska qoraalada kaddibna qiimeeyaan si loo kala garto ujeedada laga leeyahay iyo mus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOLAHA QIIMEYNTA QORAALLADA Ma jirtaa cid qiimeysa qoraalada soo badanaaya ee ay qoraan dadka daneeya in ay dareenkooda oo qoran ay soo gudbiyaan iskuna shuqliya akhriska qoraalada kaddibna qiimeeyaan si loo kala garto ujeedada laga leeyahay iyo mustawaha uu qoraalku uga jiro bulshada. Runti waa howl aan sahlaneyn si loo kala qiimeeyo qoraalada ha ahaadeen buugag ama maqaallo. Dad aan sidaa u badneyn uu horjooge u yahay Dr.Xuseen Wadaad ayaa isku taxalujiya iney bulshada ku baraarujiyaan akhriska buugagta iyo qoraalada marba soo baxa.

Dhibaatada meesha ay naga heysato waa inuusan jirin qof soo qaada ama soo xigta maqaal qof qoray, kana faalooda fikradda uu maqaalku xambaarsan yahay ama risaalada lagu tala galay inuu gudbiyo. Ma jiro qoraa soo xigta qoraa kale ama fikradda uu soo jeediyo cid ka faaloota kuna sheegta miisaanka uu mudan yahay ama xikmadda laga heli karo. Xikmadaha ku jira qoraalada qaarkood waa kuwo mudan in laga faalloda ama laga daba qaato iyadoo qofka qoray magaciisa la sheegaayo, wixi uu ku gefana loo tilmaamo, wixi uu ku wanagsan yahayna sidoo kale la cadeeyo.

GOLAHA QIIMEYNTA QORAALADA

Xuseen Wadaad wuxuu xil iska saaray inuu soo bandhigo buugag ay qoreen asaga iyo aqoonyahanno kale oo runtii mujtamaca aan ku nool nahay ay wax badan ka faaiidi karaan, waa haddii ay wax akhriyaan. Waxaan soo jeedin lahaa in la abuuro ama la unko gole loo xilsaaro qiimeynta qoraalada iyo fikradaha dadka wax qora, iyadoo looga dayanaayo adduunka intiisa kale oo badanaaba faaleeya wixi la daabaco, miisaan cilemiyeysana u sameeya wixi la soo bandhigo iyadoo la adeegsanaayo aqoon cilmiyeysan oo bulshada ay u aydo berri marki dadka manta nool ay iskaga tagaan adduunka.

 

Waxaan ka codsan lahaa Dr.Xuseen inuu billaabo tallabada ugu horeysa ee lagu abuuri karo GOLAHA QIIMEYNTA QORAALADA. Khasab ma ahan inay hal meel ku wada nool yihyiin waxase khasab ah inay yihiin aqoonyahanno oggol inuu jiro qof fikradooda mid ka duwan keeni kara diyaarna u ah inuu dadka la wadaago waxa uu aaminsan yahay..waa inuusan qofku isu arag in ra’ayigiisa kaliya uu sax yahay, ra’ayiga kalena ay far ku jirto. Intaani waa iga talo lagana yaabo inaysan sax ahayn, laakin waa dadaal iyo isku day aan dan kale ku qarsaneyn.

Axmad Calasow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip