Yaa Qoday, Yaase Qufaya Qabuuraha KM 13-ee Macalin Nuur. FacebookTwitterGoogle+Share

0
Sunday November 04, 2018 - 20:16:12 in Wararka by
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Qoday, Yaase Qufaya Qabuuraha KM 13-ee Macalin Nuur. FacebookTwitterGoogle+Share

    Waxaan nahay dad Muslim ah. Qof hadduu dhinto, Meydku Afar xaq oo waajib ah ayuu kugu leeyahay: 1- in la dhaqo. 2-in la karfano. 3- in Salaatul Janaaso lagu tukado. 4- in la Aaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan nahay dad Muslim ah. Qof hadduu dhinto, Meydku Afar xaq oo waajib ah ayuu kugu leeyahay: 1- in la dhaqo. 2-in la karfano. 3- in Salaatul Janaaso lagu tukado. 4- in la Aaso.

Aasidda kadib xurmo ayuu leeyahay meydka Muslimka ahi, tusaale: haddii aad jabiso Laf qof Meyd ah, waxa ey la dambi tahay adiga oo qof nool Lafka jabiyay. Qabrigiisuna waa calaamad aad Aakhiro ku xasuusato.

ALLA ha u naxariistee Sh. Macallin Nur Maxamed Siyaad khayrna ALLA ha Ka siiyee, ayaa waqfay dhul uu ugu tala galay in Maydka lagu Aaso, waana gurigii ugu horeeyay ee uu u hibeeyay in uu dego qofkaa geeriyooday.

Beryahaan waxaa bilaawday Burburin lagu hayo qubuurihii Km13. Lafahii la soo qoday ayaa cagaf cagaf meel Ku karuuray iyada oo qaar jajaban yihiin.

Dad ayaa Ku yaacay, si ey uga soo saartaan una badbaadiyaan meydadkii waalidiintood iyo Asaxaabtoodii, si ey meel kale ugu Aasaan, Dadka qaar ayaa leh: qabrigii Aabahey/Hooyadey Muqul laga dhigan maayo, ee Baadiyo ayaan u qaadaa.

Calaamaatu Aakhiro Samaan waxaa Ka mid ah, in dadaka dhulka Kala boobkiisa lagu ebteleeyo.

Macallin Nur ALLA ha u naxariistee waa sadqeystay dhulkaa, ALLA Ka cabsada Dhulkaa sadaqada ah iyo meytadu ha idinka nabadgaleen.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip