Manchester oo beddelka De Gea ka dhex aragtay gudaha Premier League-ga!
Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, walow kooxda ay fursad u heysato inay hal xilli ciyaareed oo dheerraad ah ay ku darto heshiiskiisa.
Xiddigga reer Spain, waxa uu aad uga caga jiidayaa inuu saxiixo heshiis cusub oo nagi kaga sii dhigaya Old Trafford, iyadoo kooxo badan oo qaaradda Europe ka dhisan ay xiiseynayaan.
Real Madrid ayuu bartilmaameed sanado badan u ahaa, ha yeeshee xagaagii hore ayay la saxiixdeen Thibaut Courtois oo ay Chelsea ka qaateen, sidaas darteed, Florentino Perez hoos ayuu u dhigi doonaa xiisaha uu u qabo De Gea, waxaase weli damac iyo hammi uu kaga jiraa Paris Saint-Germain iyo Juventus.
Saakay waxa ay The Sun qoreysaa in United ay durba bartilmaameed ka dhiganeyso goolhayaha kooxdaBrighton ee Mat Ryan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in goolhayaha 26-jirka uu sameynayo bandhig il-qabad ah, waxaase qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa kaga harsan Saddex sano iyo bar.
Waxaase Red Devils ay maanka ku heysaa in xiddiggan uu qudhiisa daneynayo u dhaqaaqista kooxaha lixda ah ee ugu waaweyn Premier League-ga, taasna fursad ayay u tahay kooxda uu hooggaamiyo Macallin Jose Mourinho.
Macallinka reer Portugal ayaa dhowaan shaki weyn geliyay mustaqbalka De Gea, waxaana uu carrabbaabay inuusan ku kalsooneyn inuu 27-jirka goolka u qabto kooxdiisa heshiis cusub saxiixi doono.
Manchester oo beddelka De Gea ka dhex aragtay gudaha Premier League-ga!
Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, walow kooxda ay fursad u heysato inay hal xilli ciyaareed oo dheerraad ah ay ku darto heshiiskiisa. Xiddigga reer Spain, waxa uu aad uga caga