Kooxda Real Madrid oo shaqadii tabbabaranimo ka caydhisay Julen Lopetegui

0
Tuesday October 30, 2018 - 22:53:07 in Wararka by
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Real Madrid oo shaqadii tabbabaranimo ka caydhisay Julen Lopetegui

    Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa shaqadii tabbabaranimo ka caydhisay Julen Lopetegui,kaas oo kooxda ka dhisan caasimadda Madrid maamullayay kaliya 14 kulan. Real Madrid oo ka mid ah kooxaha ugu weyn kubadda cagta caalamka oo sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa shaqadii tabbabaranimo ka caydhisay Julen Lopetegui,kaas oo kooxda ka dhisan caasimadda Madrid maamullayay kaliya 14 kulan. Real Madrid oo ka mid ah kooxaha ugu weyn kubadda cagta caalamka oo saddex mar oo isku xigta ku guuleysatay tartanta ugu sarreeya kooxaha Yurub ee Championes League ayaa booska sagaalad xilli ciyaareedkan kaga jirta kala sarraynta horyaalka dalka Spain ee La Liga , waxaana guul-darro ceeb ku ah kooxda garsiisay kooxda Barcelona, arrimaha oo dhan ayaa loo sababeeyay shaqo ka caydhinta tabbabaraha muddada kooban kooxda soo maamullay ee Julen Lopetegui.
Juen Lopetegui
Juen Lopetegui
Tabbabare Lopetegui, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu uga mahad celiyey kooxda fursadda ay siiyeen, waxaanu u rajeeyey inay wanaag ku dhamaystaan inta uga hadhay xilli ciyaareedkan.


Maamul Real Madrid ayaa tabbabare kumeel gaar ah u magacaabay Santiago Solari oo ka mid ahaan jiray xiddigihii Real Madrid u ciyaari jiray, waxa uu shaqadda kooxda koowaad qabanaya isagoo maamullayay kooxda da'yarka Real Madrid ee Casilla.
Santiago Solari           
Santiago Solari

Sharciga ciyaaraha dalka Spain ee RFFF ayaa waxa uu xaddidayaa muddada uu tabbabare si kumeel-gaar ah u hoggaamin karo koox ,kaliya waxaa la ogalyahay marka ay si rasmi ah tartamada u socdaan muddo labo toddobaad ah in tabbabare kumeelgaar ah uu hoggaamin karo koox.

Solari ayaa labada toddobaad ee sharciga uu u ogalyahay inuu si kumeelgaar ah tabbabare u noqdo, waxa uu kooxda ku hoggaamin doona afar kulan,taas oo ku qasbeysa maamulka kooxda Real Madrid in muddada labada toddobaad ah ay ku magacaaban tabbabare cusub oo rasmi ah ama kooxda lagu wareejiyo tabbabaraha hadda sida kumeelgaar ah u hoggaamiya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip