EPL: Manchester United vs Everton, iyo wax walba oo aad uga baahantahay kullankan

0
Sunday October 28, 2018 - 19:53:33 in Wararka by
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    EPL: Manchester United vs Everton, iyo wax walba oo aad uga baahantahay kullankan

    Macallin Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in xiddiggiisa Jesse Lingard uu taam u yahay ciyaarta ay la qaadanayaan kooxda Everton, taasoo ah hadal heynta ugu badan ee kullankan loogaga sheekeynayo. Kullan kale oo xiiso badan ayay kooxda Manchester Unite

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macallin Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in xiddiggiisa Jesse Lingard uu taam u yahay ciyaarta ay la qaadanayaan kooxda Everton, taasoo ah hadal heynta ugu badan ee kullankan loogaga sheekeynayo. Kullan kale oo xiiso badan ayay kooxda Manchester United la ciyaareysaa Everton xilli sagaalkeeda kullan ee horyaalka keliya ay heysato 14 dhibcood, iyadoo hal dhibic ka dambeysa kooxda martida u noqoneysa oo leh 15 dhibcood. Romelu Lukaku ayaa ku jira mid ka mid ah bandhigyadiisii ugu liitay waayihiisa United, inkastoo uu kalsooni badan ka heysto Macallin Jose Mourinho.

Xiddigaha seegaya kullankan iyo kuwa soo laabtay

Macallin Mourinho ayaa xaqiijiyay in Jesse Lingard oo dhaawac ka qabay gumaarka iyo Scott McTominay oo Jilibka ka jirrannaa ay kasoo muuqan karaan kullankan, waxaase weli sii maqnaanayaDiogo Dalot, Marouane Fellaini iyo Alexis Sanchez.

Everton waxa dhaawacyo cusub ah ma qabto, waxaana la rajeynayaa in macallin Marco Silva uu kusoo billaabo safkii uu guulaha ku gaaray saddexdii kullan ee ugu dambeysay Premier League-ga.



Yerry Mina ayaa macquul ay tahay in la helo, halka James McCarthy uu rajeynayo inuu ciyaaro markii ugu horreysay tan iyo jabkii labada meel lugtiisa kasoo gaaray bishii January ee sanadkan.

Safafka macquulka ah ee ay kooxahan kusoo billaabi karaan

Manchester United:De Gea; Valencia, Smalling, Lindelof, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Mata, Lukaku, Martial

Everton:Pickford; Coleman, Keane, Zouma, Digne; Gomes, Gueye; Walcott, Bernard, Sigurdsson; Richarlison.

Xaqiiqooyinka ciyaartan

Manchester United waxa ay garoonkeeda ku garaacday Everton 19 kullan Premier League, keliya Tottenham Hotspur ayay ka gaartay guul intaas ka badan oo waxa ay garoonkooda Spurs ku garaaceen 21 jeer.

Everton waa guul la’aan dhammaan toddobadii kullan ee ugu dambeysay tartamada dhan oo ay la ciyaaraan Manchester United (laba bareejo iyo shan guuldarro), waxaana guul ay Red Devils ka gaarto ugu dambeysay April 2015 oo ay Goodison Park 3-0 ku garaaceen.

Shan ka mid ah Toddobadii gool ee ugu dambeysay Manchester United ka dhalisay Everton, waxa ay imaanayeen 10-ka daqiiqo ee ugu dambeysa ciyaar walba.

Xilligan la joogo Manchester United farqiga goolasha waxaa lagu leeyahay hal gool, waana markii ugu horreysay ee gool dhinacooda ku maqnaado sagaalka kullan ee ugu horreysa Premier League tan iyo xilli ciyaareedkii 1990-91.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip